{"id":1987,"date":"2026-01-30T21:20:22","date_gmt":"2026-01-30T21:20:22","guid":{"rendered":"https:\/\/shineemobanaadir.com\/?p=1987"},"modified":"2026-02-24T11:39:45","modified_gmt":"2026-02-24T11:39:45","slug":"dopamine-ta-shaashadaha-sida-filinku-daaha-uga-qaado-una-dhayo-nafata","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/?p=1987","title":{"rendered":"Dopamine-ta Shaashadaha: Sida Filinku Daaha uga qaado una Dhayo Nafata."},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Shaneemadu waxay leedahay awood ay ku metasho meertada nolosha aadanaha, taas oo innoo ogolaanaysa in aan ka dhex aragnno sheekooyinkeenna nololeed shaashadda weyn ee aan daawanayno ama caalamka ay jilayaashu ku noollyihiin. Mararka qaar waxa aanu ku baraarugnaa innagoo isu ekaysiinayna jilayaasha sheekada filinka oo aad mooddo adigii oo halkaa soo taagan. Si guud fanka sheekagudbintu waxa uu saamayn xooggan ku leeyahay maskaxda bini\u2019aadamka. Shaneemadu waxa ay ka tarjuntaa nolosheena maalinlaha ah, dareenadeenna daqiiqadaha isku beddela iyo marxaladaha aynu marno iyadoo inoo soo bandhigaysa fursad aan kaga baaraandegno xaaladda dareen ee aan ku suganahay, korritaankayaga iyo bogsashadeenna nafsadeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Shaneemadu waxay leedahay awood ay ku qaabayso shucuurteennux, hadba sida ay isku soo bandhigto waxay noo ogolaataa in aan wax ka baranno jilayaasha khayaaliga ah. Iyada ayaa innaga caawinaysa in aan caadiyeyno casharrada ay inoo dhigto. Iskudayidda ah in daawadahu sheekooyinka iyo dhacdooyinka filinkaas ku dabaqo noloshiisa ayaa waxa ka dhalanaysa bogsasho iyo fahan ah inaan la jaanqaadno. Marar badan, qofku wuxuu u raadsadaa qalbi qaboojin dawaashada iftiinka murugada leh ee tiyaatarrada filimada kaas oo ku sameeya qofka is beddel shucuureed oo la taaban karo marka uu daawanayo filin uu jecel yahay. Waxaa dhacda in aad filin la falgasho oo uu dareemadaada iyo xaaladaada saameeyo, oo uu kaa nixiyo, kaa qaylisiiyo, sidoo kale, waxaa laga yaabaa ama marar badan dhacda inuu kaa ilmaysiiyo ama uu tusiyo qofka dhacdo noloshiisa beddesha. Waxaad ka murugoonaysaa baylahnimada dhabta ah ee jilaagu ku sugan yahay oo la mid ah caqabadaha aad adigu nolosha dhabta ah ku marayso ama guul uu ka gaadhayo dhibka ayaa ku shidaysa dhimbiil gudahaaga. Waa halkii abwaan Singub ka lahaa<br>&#8220;Waa maadays adduunyadu<br>Dadkuna waa metelayaa&#8221;.<br><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Baydadkani waxa ay si toos ah innoogu qeexayaan in ay sida caaddiga ah marar badan dhacdo in aan filanno in noloshu maadays tahay, dhacdooyinka iyo dadkuna u muuqdaan sida jilitaanka oo aynu jeclaysanno in waxani aysan dhab noqon.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Bogsashada nafeed iyo Shaneemada maxaa ka dhexeeya?<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Saamaynta shaneemadu nolosheenna ku leedahay oo ah mid aan la qiyaasi karin baaxaddeeda ayaa waxaa ka dhalanaysa isku baaninta Shaneemada (Cinema Therapy). Asalka isku baanashada shaneemada, oo sidoo kale dib loogu celin karo habka daawaynta &#8220;Bibliotherapy&#8221; kaas oo macno ahaan ah in boggaga buuggaagta loo isticmaalo ujeeddooyinka daawaynta. Habka isku daawaynta muuqaallada ayaa noqday mid beddelay habkii buuggaagta loo akhrisan jiray looguna adeegsan jiray ujeeddooyin daawayn. Linda Berg-Cross, Pamela Jennings, iyo Rhoda Baruch oo saykoolojiisatayaal ah ayaa markii ugu horreysay isticmaalay ereyga isku-baanashada Shaneemada hilaadii 1990kii. Tan iyo markaas, aqoonyahanno badan ayaa ereyga ku qeexay isticmaalka filimada noocyada kala duwan ee loo adeegsado daaweynta nafsiga. filimada ayaa muddooyinkii u danbeeyay noqday habka ugu badan ee dhakhaatiirta nafsiga ahi u soo jeediyaan bukaankooda in ay adeegsadaan, iyaga oo uga dan leh in ay bukaanka nafsad ahaan u caawiyaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Buuggii u horreeya ee tilmaama in daawashada filimada ay ka dhalato isku baanasho waxaa qoray Antonio Meneghetti, oo ah dhakhtar cilminafsiya, filasoof, iyo farshaxamiiste Talyaani ah, kaas oo loo tiriyo in uu yahay asaasaha dugsiga Ontological. Sannadkii 1972kii, Meneghetti wuxuu soo saaray buugga \u201cLa cineterapia\u201d (\u201cCinema Therapy\u201d). Ka dib, wuxuu magaca \u201cCinemalogy\u201d u bixiyay qaabkiisa, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah dhinacyada habka ontopsychological. Waxa uu Meneghetti ku leeyahay buuggiisa \u201cCinema Theatre Unconscious\u201d <\/p>\n\n\n\n<blockquote class=\"wp-block-quote is-layout-flow wp-block-quote-is-layout-flow\">\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u201cUjeedada cinemalogy ma aha in la baro ama la dhaleeceeyo shaqada agaasimaha filinka, laakiin waa in la isticmaalo filinka si loo falanqeeyo dadka daawanaya sawirradaas. Daawaduhu wuxuu si shucuur leh ugu lug leeyahay waxyaalaha lagu aqoonsanayo,\u201d <\/p>\n<\/blockquote>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Aragtida Cinemalogy, filinka waxaa loo arkaa awood isku dhafan oo ku dhex fidday nolosha qofka. Waxaa kaloo jira daawadaha iyo xaqiiqada dibedda. Cinemalogy waxay muujisaa shucuurta, dareenka, fekradaha, dabeecadda iyo xaqiiqada dibedda ee filimka iyo daawadaha.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Giriiggii hore, tiyaatarka ama masraxa waxaa loo isticmaali jiray &#8220;Catharsis&#8221; oo ka dhigan in waxyaabaha hareeraheenna ka dhacaya loo la falgalo hab dareen ku arooraysa. Waxaa la aaminsanaa in daawadayaasha ay la kulmi doonaan nafis marka ay la falgalaan dareenka jilayaasha. Iyadoo lagu macnayno dareen wadaagis ama nadiifin shucuureed oo ka dhalanaysa habka wax wada daawashada, dhagaystayaashuna waxay ka tagi doonaan masraxa iyagoo dareemaya nafis gudeed. Sigmund Freud waxa uu fekraddan dib usoo cusboonaysiiyay aragtidiisa ah in soo saarista iyo sii daynta shucuurta la cadaaddiyay ay horseedi doonto nafis iyo farxad kama dambays ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Sidee ayaan ugu bogsanayaa filin daawshada?<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Haddaba, sidee bay macquulu tahay Isku-daawaynta Shineemadu?<br>Dadku waxay sida caadiga ah nafsadoodda la xidhiidhaan marka ay akhriyaan sheekooyinka, daawadaan jiliin, ama ay dhagaysanayaan miyuusigga iyaga oo ka dhex baadhaya ruuxdooda iyo dabcigooda; waxa ay nafahooda ka dhex raadiyaan wax kasta oo xiise leh oo uga imanaya bannaanka. Sababtaas darteed bogsashadani waxa ay dadka ka caawisaa inay fahmaan naftooda iyo caqabaddahooda iyagoo dhex maraya shucuur murugsan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Haddaba qodobbadan aan ka dul istaagno Isku-daawaynta shineemada;<br>Kobcinta dareenka iyo isku xidhiidhada aadanaha;<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sida jilayaasha ay u la kulmaan caqabbado kala duwan iyagoo shaashadda daawanaya daawadayaasha ayaa si dabiici ah u dhisa dareenkaas iyagoo kasoo qaadaya inay booskaas taagan yihiin. Dareenkaas ayaa saameeya sida dadku u arkaan oo ula falgalaan si ka baxsan kuwa khayaaliga. Wada daawashada filimada waxay abuurtaa is faham iyo is ku xidhid ka dhex dhallata shakhsiyaadkaas wadaagaya daqiiqadahaas, waxa ay fududeysaa isfahankooda dareemeed iyo dabciyeedba. Isku-daawaynta Shineemadu waxay kor u qaadaa fahanka dareemada, isgaadhsiinta, iyo isku xidhka macnaha leh iyada oo loo marayo wadahadal iyo milicsi loo fiirsanayo waxa aan daawanayno.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Kobcinta garashada iyo isku-baraarrugsanaanta qofka<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dareensasho; in qofku is ka dhex arko waxa uu daawanayo waxa ay bilaabataa marka uu qofku doorto filimaan ka turjumaya dhibaatooyinkiisa iyo marxalladaha uu ku jiro. Dareennada iyo dooddaha ayaa hagaya oo waxay sahamiyaan qiyamka qofeed, caqiidadda, iyo ficillada. Is ka dhex arragaas ayaa iftiiminaya ujeedooyinka, welwelka, iyo yoolasha qofku nolosha ka leeyahay. Waxa ay ka caawisaa dadka in ay si cad u helaan jidkooda nololleed si ay go&#8217;aanno aqoon leh u qaataan oo ay u koraan qof ahaan. Sidaas ayay dhaqammadeenna qof ahaanneed u bedbaaddaan una dhismaan, mar walba waxa ay inoo dhawaynaysaa in aan barrano nafteena iyadoo aan ku fahmayno khibradaha dadka kale. Waxa aynu nahay makhluuq ku tiirsan dadka kale, markaa adiga oo adeegsanaya khibraddaha dadka kale, waa aad ku noolaaneysaa oo dareemeysaa,taas oo ka dhigan si guud in maanka qofka iyo baraarruggiisuba ay qayb weyn ka qaadataan shaneemada, iyada oo hortag iyo daaweynba ka ah dareemada taban ee qofka ku dhalan kara.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Dhiirigallin<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dadku waxa ay ka helaan dhiirigellin xirfada jilayaasha tayada filin jilayaasha. Shaneemadu waxa ay dhiirigellisaa horumar wanaagsan xagga la qabsiga, xallinta mushkiladaha, iyo xidhiidhka. Isku-daawaynta shaneemadu waxa ay wanaajisaa fayoobaanta shucuurta qofka, dhimrisanaanta, isku baraarugsanaanta iyo korriinka shakhsi ahaaneed. Is-barasho nafeed oo barraarugsan, dib-u-habaynta qaab-dhismeedka nafta. Si ka duwan sida aqoontu u qaabayso, taas oo ah waxa inta badan aan isku dayno, waxaa kuu sahlaysaa isbeddelada dabeecadaha, aragtiyada, iyo xitaa shakhsiyadda. Waa isbarasho baahsan oo si qoto dheer kuna faafaysa qeyb kasta oo nolosha ah, taasoo keenta isbeddelo qoto dheer oo ku yimaada shakhsiyadda qofka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Yaraynta Diiqadda<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Mid ka mid ah faa&#8217;idooyinka ugu caansan ee shalleemadu waa awoodda ay u leedahay in ay dhinto walaaca. Marka aan daawato filim, maskaxdeennu waxa ay si buuxda ugu dhex milantaa sheekada, waxa aynu ilaawi karnaa welwelka iyo mas&#8217;uuliyaadka maalinlaha ah. Baxsashadan ku meel gaadhka ah waxa ay kaa caawin kartaa yaraynta diiqadda iyo hagaajinta guud ahaan caafimaadka dhimirkaaga, taas oo marar badan shineemada ka dhigaysa gabbaad qofku ka galo noloshiisa maalinlaha ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Hagaajinta Caafimaadka Maskaxda<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Marka lagu daro dhimista walaaca, shaneemada ayaa sidoo kale la ogaaday in ay saameyn togan ku leedahay xaalladaha caafimaadka maskaxda sida niyad-jabka iyo qulubka. Daraasad lagu daabacay joornaalka cilmi-nafsiga ee Clinical Psychology ayaa lagu ogaaday in daawashada majaajilada ay wanaajiso niyadda oo sidoo kelana dhinto dareennada murugada iyo rajo la\u2019aanta.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Gunnaanad<\/strong><br>Filimadu waxa ay innaga caawiyaan in aan sameyno masaafad caafimaad qabta oo ku saabsan dhibaatooyinka nolosha. Way adagtahay in si sax ah looga falceliyo marka xaallad gaar ah kugu dhacdo. Daawashada filimada sida daaweyn waxay noo ogolaanaysaa inaan ka arragno dhibaatooyinkeenna dhinac ammaan ah, taasoo sahlaysa in aan ogaanno waxyaabo gaar ah oo ku saabsan nafteena ama dadka inoo dhow. Sidoo kale, waxaan ku noolaan karnaa oo dareemi karnaa shucuurta qof kale, in kastoo dhab ahaan aan dib ugu noolaaneyno shucuurteenna gaarka ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Shaneemada iyo cilmi nafsigu waxa ay leeyihiin waxyaabo badan oo ay wadaagaan, ugu horrayn waxa ay gaar isaga khuseeyaan qaawinta iyo soo bandhigidda shucuurta aadanaha, fikradaha, dhiirigelinta, iyo khibradaha nololeed ee ay shakhsiyaad kala duwani xilliyo kala jaad ah soo mareen. Shaneemada waxaa ka buuxa sawiro wanaagsan oo la xidhiidha cilminafsiga, hab-dhaqanka dadweynaha ee ku saabsan fiditaanka cuddurada dhimirka, calaamadaha lagu garto ee qeexaya cilladaha, iyo xirfadlayaasha wax ka qabta cilladahaas waxaa si weyn u saameeya sawirada iyo fariimaha shaleemada iyo warbaahinta guud soo baahiyaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">waxaa lama huraan u ah dhakhaatiirta cilmi-nafsiga in ay sii wadaan wacyiga sawirada shaneemada ee cilminafsiga, iyo fahansiinta jirrooyinka dhimirka si ay si wanagsan ugu fahmaan macaamiishu rajada daaweyn ee shaneemada, iyada oo la kordhinayo wacyiga doorka warbaahinta ee qaabaynta sawirka cilmu-nafsiga xirfadeed, dhakhaatiirtu waxa ay rajayn karaan in ay yareeyaan dhalleeceynta ku xeeran daryeelka caafimaadka dhimirka iyaga oo ka qayb qaadanaya dooddaha fikradahan oo dhex marsanaya warbaahinta iyo shaneemada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">(Qoraalkani wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 3aad, Oktoobar, 2024)<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shaneemadu waxay leedahay awood ay ku metasho meertada nolosha aadanaha, taas oo innoo ogolaanaysa in aan ka dhex aragnno sheekooyinkeenna nololeed shaashadda weyn ee aan daawanayno ama caalamka ay jilayaashu ku noollyihiin. Mararka qaar waxa aanu ku baraarugnaa innagoo isu ekaysiinayna jilayaasha sheekada filinka oo aad mooddo adigii oo halkaa soo taagan. Si guud fanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":8,"featured_media":2002,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false,"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[30],"tags":[],"class_list":["post-1987","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-curisyo"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1987","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/8"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1987"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1987\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2148,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1987\/revisions\/2148"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2002"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1987"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1987"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1987"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}