{"id":2135,"date":"2026-02-24T12:28:58","date_gmt":"2026-02-24T12:28:58","guid":{"rendered":"https:\/\/shineemobanaadir.com\/?p=2135"},"modified":"2026-08-02T12:09:50","modified_gmt":"2026-08-02T12:09:50","slug":"barni-2024","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/?p=2135","title":{"rendered":"Barni (2025)"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Barni (2024) waa shindhaladkii (feature) ugu horreeyay oo uu agaasimay Maxamed Sheekh oo aad lagu bartay filinkii gaabnaa ee Balwo, kaasoo ka warramayay kala duwanaashaha jiilasha iyo raadinta riyooyinka, iyo filimaan kale oo iyaguna gaagaaban oo dhawr ah oo dalka dibaddiisa kusoo baxay islamarkaana uu ku baahiyay bartiisa YouTube-ka ee Aleel Flims.&nbsp;&nbsp;<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ciwaanka filinka \u201cBarni\u201d waa gabar yar magaceed, se sheekadiisu waa ay ka ballaaran tahay sheekada gabar yar, waa sheekooyin iskudhafan. Inta aan daawanaynno, filinku wuxuu isku mar nooga warramayaa sheekada gabar yar oo ambatay; hirdanka nolosha miyiga iyo magaalada, iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee dhaqanka Soomaalida\u2014sida arooska, ciyaaraha, martida, iyo safarka IWM.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Barni, ayaa habeen aroos xaafadda ka jiro walaasheed ka weyn Aamina soo raacaysa kadibna markii cawayski iyo dabaaldeggi idlaadeen ayay Aamina ku baraarugaysaa in Barni maqan tahay, wareerkii cawadaas waa loo waabariistay. Subaxdii ayaa waxgaradkii fadhiistay waxayna talo ku gooyeen in Aamina, Geeddi iyo Xirsi u sahay qaataan inay Barni raadiyaan halkay cirib iyo jaan dhigtay, waxayna soo galayaan magaalada markay ka war helaan in Barni raacday gawaaradii aroosadda magaalada loogu gelbinayay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Jilayaasha filinka Barni waa kuwo si qumman loo soo xulay. Mid walba door ku habboon lagu aaddiyay, mid walbana wuu ka soo dhalaalay doorkiisii. Taasina waxay keensatay jilliin dabiici ah oo aan la qasbin, si fiicanna ula jaanqaadaya qaab socodka xasilloon ee sheekada filinka. Waxaana xusid mudan in jilayaasha filinku aysan horay shaashad uga soo muuqan mid walba markii ugu horraysay ee uu wax jilo ayay u ahayd, haddana iyadoo taasi jirto, inta aan daawashada filinka ku gudajirnno marna kama dareemaynno in jilayaashu ka dadaalayaan inay muujiyaan xirfad jilitaan, hase ahaatee, waxay si dabiici oo noloshooda gaarka ah waxba dhaamin ula falagalayaan dareennada ku lammaan golatusyada(scenes) iyo jawiga filinka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Tusaale, marka Barni la waayo hooyadeed dareenka murugada iyo welwelka ay xaalka gabadheeda ka qabto waxay u muujinaysaa si qaangaarnimo ku dheehahan tahay, qotodheer oo daawadaha qalbigiisa dhaqaajinaysa, sidaas si la mid ahna marka Barni la soo helo oo ay degaanka iyo aqalka hooyadeed dhaayaha ka qaaddo habka ay ugu soo cararayso iyaduna waa dareen kale oo qalbiga daawadaha saaqaya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">In jilayaashu shaashadda ku cusub yihiin, haddana ay si sarraysa ugu guulaysteen gudbinta mawaadiicda filinka waxay tilmaamaysaa xulashada jilayaal habboon\/sax ah iyo hagitaan agaasime oo tayo leh.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sheekada filinka Barni waxaa udubdhexaad u ah saddex(Aamina, Xirsi, iyo Geeddi) kuwaasoo loo soo dirayo inay Barni baadiddoonaan. Soo gelitaankooda magaalada oo ah meel aanay horay u aqoon waxay ku baraarujinaysaa inay noloshoodii iyo tan magaaladu kaaf iyo kala dheeri yihiin. Degdeg ayay u baranayaan in magaalada \u2018waqtigu lacag yahay\u2019 iyagoo weli Barni raadinayana waxay Xirsi iyo Aamina isku dayayaan inay ganacsi yar samaystaan si nolosha magaalada ula jaanqaadaan naftoodana u dabbaraan. Dhanka kale, waxaan arkaynnaa in Barni lafteedu magaalada ku wareersan tahay weliba meel aan ka dheerayn iyaga, iyadoo marna suuqyada hadba dhinac ugu soconaysa marna bustejooyinka iska ag wareegaysa, islamarkaana la\u2019a jihadii nolosheeda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Barni iyo saddexdana waxaa mar walba isku xira wiil kirishboy ah oo inta magaalada ka shaqaynayo Barni soo arka marka uu shaqada soo dhammaynaya meesha ay Aamina iyo Xirsi habeenki ku hoydaan ugu yimaadda taasoo daawadayaasha dareensiinaysa in Barni iyo saddexdii mar walba isku dhow yihiin!<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xawaaraha filinku inta hore waa mid aad u deggan, oo si feejigan u dhisaya jawiga filinka. Balse dhammaadka sheekadu si kedis ah ayay u degdegaysaa, iyadoo dhacdooyin muhiim sida ishelidda Barni iyo saddexdii raadinayay si fudud ku dhacayso filinkuna dhammaanayo. Tani waxay dhimi kartaa saamaynta xagga shucuurta iyo saamaynta kulanka laga filayay, waxaa la sii karay waqti dheeraad si kulankoodu miisan iyo dareen dhab ah u yeesho.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Si kastaba ha ahaatee, filinku wuxuu qaybo badan oo ka mid ah isticmaalayaa aamusnaan (weliba muuqaallada kooban ee aan Barni arkaynno) muuqaallo bilicda miyiga, magaalada iyo dareenka shakhsiyaadka ka turjumaya, iyo sidoo kale heeso qaraami ah, oo si wanaagsan u dhisaya xiriirka ay daawadayaashu la yeelanayaan filinka iyo dadka jilayaba halkii uu filinku isticmaali lahaa dhacdooyin isdabajoog ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Docda kale, marka laga hadlayo horumarinta shakhsiyaadka, filinku si macquul ah ayuu usoo bandhigayaa inkastoo degdegna ku jiro. Marka cirbaxa(climax) filinka la gaaro, saddexdu waxay si buuxda u fahamayaan in nolosha magaaladu ka duwan tahay tan miyiga dhan walba\u2014oo isku tiirsnaan jirin, waqtiguna lacag yahay\u2014taasina waxay sababaysaa inay isbeddel sameeyaan, oo sida reer magaalka u dhaqmaan, dharkooda xirtaan, islamarkaana ganacsi billaabaan. Si gaar ahna Geeddi ayaa ka fallaagoobaya oo kirishboygu marinhaabinayaa, arrintaas oo muujinaysa in nolosha magaaladu wiiqi karto qofka ka yimid degaan isku tiirsanaanta iyo is caawinta ku dhisnaa haddii uusan helin faham iyo hagitaan ku filan, aakhirkana gadaal ayuu usoo noqonayaa isagoo weliba labadii kale ku dhaliilaya inay reer baadiye dambeeya oo lebbis xun yihiin. Isbeddelka Geeddi mar waa la dedejiyay, marna sababayn xooggan laguma dhisin soonoqoshadiisa.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Barni iyo Doorkeeda<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Inkastoo Barni tahay xuddunta sheekada filinka\u2013gabadha la raadinayo, filinkana ku magacaaban\u2013 haddana doorkeeda qofeed iyo midkeeda muuqaal ahaaneed waa xiddan yihiin, oo gooro dhif ah ayaan arkaynnaa. Waxay inta badan ku muuqaallo kooban, aamusan oo ay magaalada wareegayso iyadoo aan dad kale la kulmin ama wax dhib ah mudan, sidoo kalena hadal iyo faclelin lahayn. Tanina waxay sababaysaa in daawaduhu lumiyo xiisihii uu u qabay raadinta Barni, maxaa wacay, inaysan bilow ilaa dhammaad isku mid ahaato oo aysan horumar shakhsiyeed la kulmin waxay hoos u dhigtay qiimaha ay sheekada ku leedahay,<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Taasina filinka ayay ku caddahay, oo Barni ma aha shakhsiyad u muhiim ah sheekada maadaama aysan lahayn jiritaan qoto dheer oo ka dhigaya shakhsiyad la xasuusan ama dareen gaar ahna lala wadaagi karo. Tan oo si weyn u dhaawacaysa dareenka daawadayaasha.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaa iyaduna meesha ku jirta in Barni gunaanadka filinka si lamafilaan ah ula kulmaysaa haweeney garan doonta inay Barni lunasan tahay sababna u noqonaysa inay saddexdii raadinayay la kulanto. Qodobkanina waa mid aad u liita oo socodka iyo nuxurka sheekada wiiqaya, maxaa yeelay,&nbsp; haddii aan fiirinno meesha lagu adeegsaday waa dhammaadka welina Barni lama helin. Haddaba, si la isugu keeno Barni iyo saddexda raadinaysa sheekadana loo soo afjaro ayaan hawenaydaas iyo Barni u kulmeen ee uma aysan kulmin inay macnaha sheekada sii bilaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Sheeko Jacayl oo aan Korin<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xiriirka Aamina iyo Xirsi waxa uu muujinayaa in jacayl ka dhexeeyo. Qaabka u ay wada hadlayaan, isu dhawrayaan isuguna dhaadanayaan, waxay na tusaysaa inay dareen laabta isugu hayaan, hase ahaatee aan filinka si qotodheer sheekadooda loogu gudagelin. Xiriirkooda iyo dareenkoodaba dusha ayaa laga xaadinayaa, oo lama abuurin dhacdooyin dareenkooda kobciya, sidoo kalena nalana tusayo waxyaabaha isu keenay iyo waxa dhab ahaan dhex yaalla.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Jacaylkoodu wuxuu noqon karay fursad lagu muujiyo sida isbeddelka bulsheed iyo dhaqameed uu u saamayn karo xiriirrada shucuureed \u2013 balse fursaddaas si buuxda loogama faa\u2019iideysan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Iskudhaca waqtiga<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Mid ka mid ah meelaha filinku si muuqata u dacay waa iskuduunnida waqtiyeed(Temporal coherence) ee goobaha uu ka dhacayo. Miyiga waxaa weli laga isticmaalayaa \u201cfaynuus\u201d\u2013taasoo ka tarjumaysaa xaaladnololeed hore oo ku beegan 1990s\u20132000s. Sidoo kale saddexdu markay magaalada gaariga magaalada keenaya soo raacayaan midkood ayaa oranaya \u201cMa magaalooyin badan ayaa jira?\u201d Dhanka kale magaalada waxaa ka socota nolol casri ah, askariga booliiska ayaana sita taleefan iphone ah, taasoo tilmaamaysa abbaaraha 2010s\u2013 illaa hadda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Haddaba iskudhaca waqtigu waa mid si fudud daawaduhu ku dareemi karo, wuxuuna cuuryaaminayaa maangalnimada sheekada filinka daawadanaha jahawareer ayuu ku ridayaa, wuxuuna filanayaa laba arrimood: in magaalada iyo miyigu ku jiraan laba waqti oo kala duwan (taas oo u baahan sharaxaad dheeri ah), ama in filinka uu si bareer ah u dayacay iswaafajinta gooreed iyo goobeed (setting)<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Nuxurka Filinka \u201cBarni\u201d<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Filinka Barni waxa uu si wanaagsan u bayaaminayaa halganka uu wajaho qofka ka miyiga ka yimaadda marka uu la qabsanayo nolol cusub oo magaalo ah. Saddexdu\u2014Aamina, Xirsi iyo Geeddi waxay magaalada u yimaaddeen si ay u helaan Barni, gabar yar oo la waayay. Intii ay raadinayeenna, waxay si tartiib tartiib ah ula qabsanayaan nolosha magaalada \u2013 waxay beddelayaan hablebbiskoodii, la falgalayaan dhallinyarada magaalada, isla markaana raadinayaan shaqo, taasoo muujinaysa la qabsiga nolosha deegaanka cusub.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Filinku; sidoo kale, wuxuu si xeel dheer u muujinayaa farqiga dhaqan iyo nololeed ee u dhexeeya miyiga iyo magaalada, isagoo marmarka qaar adeegsanaya shareerayaal, sida dabka, si uu u muujiyo \u2014in inkastoo labada nolol aad u kala duwan yihiin\u2014ay weli jiraan waxyaabo ka dhexeeya, sida fanka, ciyaaraha dhaqanka, iyo dareenka raadinta qof la waayay. Tusaalaha ugu cad waa marka saddexdu ay soo dhex galaan dhallinyarada magaalada ee ciyaarta Sayliciga si liidata u tumaya, islamarkaana ay si karti iyo tamar leh ula wareegayaan ciyaarta, taasoo tilmaamaysa in dhaqankii miyigu weli nolosha magaalada qiime ku leeyahay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Gunaanadka<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Inkastoo filinkani yahay shindhaladkii ugu horreeyay ee agaasimaha, sheekadiisuna meelo badan laga dhaliili karo, haddana waxaa xusid gaar ah mudan in sheekadu tahay mid dhalad (authentic) ah oo si miiggan ula loollamaysa sawirrada qalloocan ee bulshadeenna laga bixiyo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhan walba habka lebbiska, jilliinka, shareerayaasha, ciyaaraha, heesaha qaraamiga ah iyo guud ahaan sida ay isugu dayayso inay dhaqanka Soomaalida matasho waxay ka marqaati kacaysa aragtida Maxamed Sheekh ee ku aaddan in filinsameeyaasha Soomaaliga ahi ay hal-abuuri karaan sheekooyin dhalad ah oo diiradda saaraya duruufaha nolosheenna ku xeeran, daawadayaasha Soomaaliyeed taaban karaa, isla mar ahaantaana ujeedkoodu ahayn inay bandhigyada caalamiga ah kaliya ka gadmaan. Dhanka agaasimidda: duubista, midabbaynta, codka iyo cinematography-ga filinku waa kuwo heersarreeya oo tebinta sheekada si weyn uga qeyb qaadanaya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Barni (2024) waa shindhaladkii (feature) ugu horreeyay oo uu agaasimay Maxamed Sheekh oo aad lagu bartay filinkii gaabnaa ee Balwo, kaasoo ka warramayay kala duwanaashaha jiilasha iyo raadinta riyooyinka, iyo filimaan kale oo iyaguna gaagaaban oo dhawr ah oo dalka dibaddiisa kusoo baxay islamarkaana uu ku baahiyay bartiisa YouTube-ka ee Aleel Flims.&nbsp;&nbsp; Ciwaanka filinka \u201cBarni\u201d [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":2136,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false,"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8,12],"tags":[],"class_list":["post-2135","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-faaqidaad","category-trend"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2135","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2135"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2135\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2437,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2135\/revisions\/2437"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2136"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2135"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2135"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2135"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}