{"id":2138,"date":"2026-02-24T12:34:55","date_gmt":"2026-02-24T12:34:55","guid":{"rendered":"https:\/\/shineemobanaadir.com\/?p=2138"},"modified":"2026-02-24T12:45:44","modified_gmt":"2026-02-24T12:45:44","slug":"gaadmo-2025-taxane-eegis-mudan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/?p=2138","title":{"rendered":"Gaadmo (2025): Taxane Eegis Mudan."},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Gogoldhig<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Shirkadda Astaan ayaa dhawaan soo saartay taxane cusub GAADMO oo hal kal ah. Waxaa agaasime ka ah Cabdi-Siyaad agaasimihii hore u sameeyay \u201cAano Qabiil\u201d\u2013filin gaaban oo ay isla Astaan baahisay. Sida magaca filinka ka muuqata \u201cGaadmo\u201d wuxuu tilmaamayaa in si lama filaan ah wax loogu isugu kedin doono ama si xeeladaysan la isu dagi soono. Xulashada magacan oo kasii hordhacaya dhacdooyinka ama mucda sheekada, waa tusaale kale oo si cad uga marqaati kacaya in waxsoosaarka filin ee gudaha dalku hal-abuur ka arradan yahay, maadaama la jideeyay dhaqan xun oo ah in inta badan filinka ciwaan looga dhigo magac\u2014erey keli ah ama jumlad\u2014kashifaya nuxurka filinka sida \u201cGaadmo\u201d iyo ka aan kor ku sheegnay ee \u201cAano Qabiil\u201d, taasoo meesha ka saaraysa suurtagalnimada uu magacu la yaab, baaritaan, iyo xiise joogto ah daawadayaasha ugu reebi karo, inkastoo taasi tahay dhibaato uu salkeedu ku aroorayo sheekatebinteenna oo awal horeba iska liidatay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Taxanahan Gaadmo oo ah daraama-shactaro, waa ilaa xad u xiiso badan. Sheekadiisu waxay ka warramaysaa saddex gabdhood oo guri wada deggan, noloshooda u madaxbannaan, oo u halgamaya sida ay nafahooda u debberi lahaayeen. Waa sheeko maad badan, oo xambaarsan aragtiyo naqdi bulsheed ah. Arrinta taxanahani eegista ku mutaysanayo, waa inuu horumarinayo amaba dheh uu soo bandhigayo shakhsiyaad jilliin hagaagsan. Jilayaasha taxanuhu waxay samaynayaan metelaad heersare ah. Docda kalena, waxaa jirta in agaasinka iyo qorista sheekadu ay cillado badan leeyihiin, taasoo horistaagaysa in jilayaashu si qumman oo dhammaystiraan u soo muujiyaan jilliinkooda, islamarkaana sheekada ula falagaan, si filinku u noqodo mid tayo leh oo loo wada riyaaqo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Xiddigo Mustaqbal Leh<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Saddexda gabar \u2013 Ubax Cabdullaahi oo Jamaaad ku matalaysa, Simoon Cabdi oo Dhool ku matalaysa, iyo Fawsiya Magaale oo Samiiro ku matalaysa\u2013 ayaa Gaadmo hormuud iyo udubdhexaad u ah. Waa xiddigo si wanaagsan doorarkooda uga sooo dhalaalaya oo matalaad iyo muunad leh. Waxayna soo bandhigayaan shakhsiyadaha kala ah: Jamaad (waxay horay uga soo muuqatay taxanihii Dhaxal oo ay aad uga soo dhalaashay) oo ah gabar kasoo carartay guur qasab ah si ay nolol ay ku qanacsan tahay gacanteeda ugu samaysato, Dhool oo ah kalkaaliso shaqadeedii kasoo tagtay markii muddoo shan bilood ah xaqeeda la siin waayay, iyo Samiiro (waxay horay uga soo muuqatay taxanihii Dabin) oo sheegata inay dhakhtarad tahay, balse dhab ahaantii ah xariifad dhagar badan, ayaa ah maskaxda maleegaysa khiyaanada ama gaadmada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Jilayaashan ayaa soo bandhigaya karti iyo jillitaan dabiici ah oo ay dhif iyo naadir tahay in laga helo filimada gudaha, waxaana laga dareemayaa isku dheellitirnaan dhanka codkaca, luuqadda jilitaanka iyo laqabsiga doorkooda. Jilliinkoodu waa mid lagu qanci karo, daawadayaashana soo jiidanaya, haddii ay noqoto muujinta dareenka qiirada leh, ama jawiyada maadda mise xanuunka leh. Waxay leeyihiin codad iyo muuqaallo u muuqda in nolosha dhabta ah laga soo miinguuriyay. Waa xiddigo wax jili kara haddii ay helaan hagitaan iyo haaneedin buuxda, islamarkaana u diyaarsan inay doorar adag ka ciyaaraan saaxadda filimada ee mustaqbalka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Qaabdhismeedka Sheekada<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Billowga filinku wuxuu u muuqdaa mid ka warramaya gabdho inta nolosha qoysaskooda ku qanci waayay go\u2019aandsaday inay samaystaan nolol iyaga u gaar ah oo aysan cidna ku tiirsanayn, inkastoo mawduucan filinka laga dhadhansanayo haddana waa mawduuc yar oo ka mid ah kuwa uu taxanahani sida aan nidaamsanayn uga warramayo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Xalqada 3aad waxaa soo ifbaxaya mawduuc aan is dhihi karno waa ka filinku ku socdo waana gaadmada magaciisu muujinayo. Marka Jamaad iyo Dhool ay Samiira la soo degaan, waxaan ogaanaynaa in Samiiro ku nooshahay nolol iska deggan oo ay ku tiirsan tahay inay nimanka inta xiriir been ah la jisho, ay lacag ka qaaddo nafteedana ku maarayso, Jamaad iyo Dhoolna waxay ku tababbari doontaa sida ay u kala baran lahaayeen ragga lacagta leh iyo kuwa aan lahayn iyo sida kuwa hore inta jacayl afka baarkiisa ah loogu jilo maalin cad looga dhaqaaqo, iyada oo laga qaadanayo lacag nolosha iyo biilka lagu maareeyo, hase ahaatee Jamaad iyo Dhool kama fekerayaan cawaaqibta falalkan gaadmada ahi noloshooda ku yeelan karto.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Iyadoo taasi jirto haddana taxanaha waxaa ka buuxa dhacdooyin badan oo xagga macquulnimada iyo caqligalnimada sheekada wax u dhimaya kuuwaasoo aan sal adag lahayn, ama aan si buuxda looga fekerin halka qulqulka sheekada kasoo gelayaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Shakhsiyaadka iyo Xiriirkooda<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhanka kale xiriirka jilayaashu sida uu kusoo dhismay aad uma cadda. Tusaale, Jamaad iyo Dhool iyaga oo is yaqaan, ayuu filinku billaabanayaa haddana inta uu socda meelna laguma xusayo qaabka ay isku soo barteen ama waxa ka dhexeeya, sidaas darteed inay guri wada deggan yihiin wax dhaafsiisan kama ogaanayno lama hubo in si ku talaggal ah loo qariyay. Sidoo kale, marka laga reebo Jamaad shakhsiyaadka kale noloshoodii hore waxba kama ogaanayno, Samiiro iyada warkeedaba daa.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxyaabaha la taaban karo ee taxanahani la gaarka yahay waa hormarinta shakhsiyaadka (Character development), inkastoo uusan aad u xoogganayn. Saddexda gabdhood waxay gelayaan safarro isbeddel ah oo kala duwan. Jamaad cawaaqibta khaladaadkeeda ayay la kulmaysaa, waxayna baranaysaa in haddii qofku wanaag raadinta waddo qaldan u maro, uu meel xun ku dambaynayo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhool muddo dheer ayay isbitaalka uu Madoobe maamulo ka shaqaynaysay, markii waxdheef la\u2019aan iyo warxumo la isugu daraynna, way kasoo dhaqaajisay, balse nasiibdarro caddaaladarradaasi waxay ku riixday inay ku milanto khiyaanada iyo qorshaha qalloocan ee Samiiro, hase ahaatee qaybaha dambe waxay muujinaysaa kobac maskaxeed iyo anshax sarreeya, oo waxay qayb ka noqonaysa fashilinta qorshaha Samiiro, ugu dambaynna waxay helaysaa xaqeedii iyo shaqo rasmi ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Samiiro oo isumuujisa naag maskax badan oo rabta inay gabdhaha nolol sareedo leh u horseeddo, balse dhab ahaantii isticmaasha xeelado iyo khiyaano si ay u gaarto danaheeda gaarka ah, ayaa marka ugu dambaysa qorshaheedu uu fashilmi doonaa, waana la xirayaa, taasoo ka tarjumaysa in xariifnimadu aysan qiimo lahayn haddii aysan u adeegayn danta guud iyo daacadnimada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Awoodda Haweenka iyo Caqabadaha Horyaal<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sida aan soo xusnay Gaadmo waa filin maad iyo daraama iskudhafan ah. Dhanka kale waxa uu si dadban u xambaarsan yahay farriin dheddigood\/feminism ah: Gabdho masiirka noloshooda la wareegaya, doonaya inay xor ka noqdaan cadaadiska dhaqandhaqaale ee foosha xun, kuna tashanaya inay xariifnimo iyo xeelado ku meelmaraan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Tusaale ahaan Jamaad marka ay gurigeeda ka soo tegayso iyada iyo eeddadeed waxaa dhex maraya wada hadalka:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong><em>Jamaad:<\/em><\/strong><em>&#8220;Ani <\/em><em>hadda guur diyaar uma ihi, riyo iyo mustaqbal ayaan leeyahay&#8221;<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong><em>Eeddadeed: <\/em><\/strong><em>\u201cOo waa maxay riyada aad leedahay? Riyada ugu wanaagsani gabari yeelataa waa inay guursato, sharafka aabbaheedna dhawrto<\/em>&#8220;<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Halkan waxay Jamaad si geesinimo leh ugu muujinaysaa inay rabto inay samaysato nolol ay u madaxbannaan tahay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Si kastaba, taxanuhu wuxuu si isku dhafan u muujinayaa awoodda haweenka iyo caqabadaha adag ee hortaagan. Inkastoo gabdhuhu&nbsp; si dhiirran isaga difaacaan weerar tuugo kusoo qaadayso, haddana dhinaca kale waxay ku tiirsan yihiin xeelado salka ku haya khiyaano iyo in rag lacag laga helo, halkii ay shaqooyin sharaf leh ka heli lahaayeen. Hase ahaatee qodobka dambe waxaa loogu cudurdaari karaa dhibaatooyin shaqada ku gadaaman oo filinka laga arkayo\u2014Sida Jamaad oo shaqo loo diidayo maadaama aysan khibrad lahayn, iyo gabar ku khasbanaanaysa inay jirkeeda hibayso si ay shaqo u hesho.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Farriintan dheddigoodku, sidaas darteed, waxay u muuqataa mid ku jirta tebinta, balse aan si xooggan loo muujin. Gabdhaha waxaa loo soo bandhigaa sidii kuwo xarfaan ah, balse ku shaqeeya xeelado dabacsan iyo khiyaano aan waarayn. Dhammaadka filinka waxaa ku cad in habdhaqankooda khiyaanadu uu fashil kusoo dhammaanayo\u2014tusaale ahaan, Samiira ayaa Jamaad iyo Dhool kiis weyn qoorta u gelinaysa markay lacag badan oo ay maamulaha isbitaalka Dhool, Jamaad ka soo khiyaamaysay kala goyso. Marka dhammaadka la gaarana, waa meesha aan ka ogaanaynno in Samiiro ahayd maskaxdii kasoo shaqaysay in Jamaad iyo Dhool guriga la soo dejiyo. Dallaalka, dambibaaraha iyo shakhsiyaad kale oo badanna ay qorshaheeda weyn qayb ka ahaayeen.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sidaas darteed, Gaadmo wuxuu si dadban u lafaggurayaa isdhexgalka awoodda haweenka iyo caqabadaha ka dhasha dhaqanxumada, balse weli wuxuu ka gaabinayaa dhiirrigelinta in dumarku si sharafleh ku gaaraan nolol dhab ah oo madaxbannaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Doorka Ragga ee Taxanaha Gaadmo<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Maadaama filinku diiradda saarayo halganka dumarka, noloshooda, kartidooda iyo caqabadaha ay wajahayaan raggu door muuqda ama hormaraya kuma laha, marka laga reebo labo shakhsiyadood: Madoobe&nbsp;iyo&nbsp;Amiin. Madoobe waa maamulaha isbitaalka kalkaaliso Dhool ka hawli geli jirtay. Waa nin shabeel naagood ah, waana qofka sida weyn filinka loogu dhex gaadi doono taasoo ka dhigaysa astaan u taagan caddaaldarrada iyo dulmi nidaamsan. Wuxuu metelayaa nidaamkii shaqaalaha haweenka ah dulmiyay, taasina waxay Jamaad iyo Dhool ku dhalisay inay go\u2019aanno culus qaataan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Amiin dhanka kale waa nika xiriirka jacayl Jamaad kala dhexeeyo, hase yeeshee filinka kuma laha muuqaal joogto ah. Inkastoo xiriirkoodu muhiim u yahay horumarka shakhsiyadeed ee Jamaad, haddana Amiin wuxuu si fiican usoo muuqanayaa labada xalqadood ee ugu dambaysa marka qorshaha Samiiro la fashilinayo, taasoo muujinaysa in doorkiisa la xaddiday, si aan looga leexan farriinta filinka ee dumarka xoogga saaraysa.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaan is dhihi karnaa tani waxay tusaale cad u tahay sida sheekadan filinka loogu dooray in dumarka la siiyo fagaaraha hadalka, ficilka iyo isbeddelka, halka ay raggu kaliya yihiin dhabbihii ay haweenku marayaan ama caqabadda ay ka gudbayaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Agaasinka iyo Dhigaalka: Barta <\/strong><strong>Taxanayaashu ka Dhinteen<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sanadihii u dambeeyay taxanayaasha gudaha dalka ka soo baxa waxay la daalaadhacayeen saddex waxyaabood: Duubis tayo daran, sheekatebin aan asiilinimo iyo dhadhan lahayn, iyo jilayaal aan helin hagis iyo tababbar. Si kastaba ha ahaatee waqtigii shakhsiyaadka wax jilaya la eedayn lahaa, waa laga gubay, hadda wixii ka dambeeya eeddu waxay dul hoganaysaa agaasimayaasha iyo shirkadaha waxsoosaara kuwaas aan si buuxda xil isaga saarin tayaynta sheekada, habduubista iyo jihaynta dadka wax jilaya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Caqabadaha Dhigaalka (Script Writing)<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Inta badan shirkadaha gudaha dalka ka hawlgala dhigaalka filinku (script), waa barta koowaad oo ay weli aadka uga nugul yihiin. Dhibaataduna waxay tahay inaysan shirkadaha filimadu aysan dhigaalka u arag inuu yahay tiir aad u muhiim ah iyo seeska filinka, hase ay ahaatee ay kaliya u arkaan inuu yahay qalab ay ku abuuraan dhitooyin (contents) ka gedmi kara suuqa, kuwaasoo ay daawadaayasha ku madadaaliyaan, sidoo kalena ay macaamiishooda kusii haystaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhigaalka waxaa marar badan la marsiiyaa gacmo badan oo isdabajoog ah, kuwaasoo wax ka beddela ama ku dara\/jara qaybo muhiim ah oo nuxurka ama dhadhanka sheekada wax u dhimaya. Sidaas darteed mararka qaar waxaa dhacda in la rifo ama sheekada la isku qaso oo ay marxaladda soosaarista gaarto iyadoo la dhabjiyay oo wax walba la isku murjiyay farriintiina la dhaawacay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Agaasinka<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhanka kale habka agaasinka muuqaallada iyo hagista jilayaasha farbaa ku godan. Waxaa la dareemayaa in jilayaashu leeyihiin karti badan balse cidda hagaysa aysan dabacadahooda ama falcelintooda aysan wax xil ah iska saarayn. Mararka qaar waxaan arkaynaa qof laga rabay inuu murugaysnaado oo xaalado caadi ah isaga jira, ama laga rabo inuu aad u farxo oo marxalad dhexdhexaad ah ku negaaday. Inkastoo ay dhanka kale jiraan meelo si wanaagsan looga shaqeeyay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Muusigga: Xulasho Ammaan mudan<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Taxanhani marka la barbardhigo kuwa kale ee gudaha waxaa si fiiradheeri leh loogu dooray muusiga dhagaha iyo qalbiyada taabanaya, taasoo si toos ah u xoojinaysa nuxurka sheekada. Waxaa la doortay laba heesood oo la jaanqadayada mawduucyada ugu muhiimsan;<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Heesta hore \u2014\u201cQalad ninkii galaa waa qasaaraa\u201d \u2014 oo uu qaado Xabiib Sharaabi ku luuqeeyo, waxay ka turjumaysaa gaadmada iyo cawaaqibteeda. Halka heesta dambena \u201cHaween baan ahoo habraday\u201d ay astaan u tahay haween naftooda huraya, muujinaya geesinnimo, adkaysi iyo rabitaan xooggan oo dhanka xorriyadda ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Sinematograafiga iyo Midabaynta<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Marka laga soo tago sheekatebinta iyo agaasinka waxaa weli muuqata in sinematografiga iyo midabayntu ay tahay dhibaato kale oo ay ka kori la\u2019yihiin. Waxaa muuqata inay jirto aqoondarro baahsan oo la xiriirta sida loo abuuro muuqaallo muunad leh oo sheekatebinta ka qaybqaadanaya, islamarkaana si farshaxan leh loo habeeyo iftiinkooda, midabkooda iyo mugdigoodaba. Caqabaddan ayaa inta badan filimada\/taxanayaasha oo \u2018Gaadmo\u2019 ka mid yahay ka dhigaysa kuwo aan muuqaal ahaan lagu qancin inkastoo ay dadaallo wanaagsan sameeyeen.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Gunaanad<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Gaadmo waxa ugu horreeya tahay in lagu ammaano waa koobnaanta iyo sida uu mawduuca gaadamada iyo awoodsiinta haweenka isugu dhafay. Waxa uu ka nabadgalay kalajiididda laga maarmo ee taxanayaasha lagu sameeyo. Waa 10 xalqadood oo fadhi ama laba fadhi lagu daawan karo. Inkastoo ay taasi jirto haddana marka la fiiriyo qaybo badan oo sheekada ka mid ah oo aan la daahqaadin, waxay u egtahay in shirkaddu damacsan tahay inay kal kale u samayso.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhanka kale Gaadmo wuxuu la gaar yahay xiddigo jilayaal ah oo si fiican u metelay doorarka lagu aaddiyay, hase yeeshee waxaa nugleeyay dhibaatada guud ee uu la qabo taxanayaasha gudaha dalka lagu soo saaro: Sheeko aan si wanaagsan loo qorin ama loo habayn, agaasin xumo iyo duubis tabaradan. Intaan wixii ka dambeeya waxaa mudan in lagu baraarugo muhiimadda hal-abuurka iyo muunaynta sheekada iyo farsamooyinka duubista halkii diiradda la saari lahaa kaliya tirada dhacdooyinka, xalqadaha ama caannimada dadka shaashadda kasoo muuqanaya, waana in shirkaduhu kalsooni iyo aqoon buuxda ugu deeqaan qofafka wax u metelaya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Gebogabadii, \u2018Gaadmo\u2019 waa iskuday la mahdin karo, inkastoo uu weli la tacaalayo dhibaatooyin farsamo iyo kuwo sheeko labadaba. Hubaalna haddii caqabadahaas jira la xalliyo, filimada noocaan ahi waxay noqon karaan kuwo sare u qaada waxsoosaarka filimada gudaha dalka ee curdinka ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Gogoldhig Shirkadda Astaan ayaa dhawaan soo saartay taxane cusub GAADMO oo hal kal ah. Waxaa agaasime ka ah Cabdi-Siyaad agaasimihii hore u sameeyay \u201cAano Qabiil\u201d\u2013filin gaaban oo ay isla Astaan baahisay. Sida magaca filinka ka muuqata \u201cGaadmo\u201d wuxuu tilmaamayaa in si lama filaan ah wax loogu isugu kedin doono ama si xeeladaysan la isu dagi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":5,"featured_media":2139,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false,"_monsterinsights_skip_tracking":false,"footnotes":""},"categories":[8,11],"tags":[],"class_list":["post-2138","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-faaqidaad","category-top-stories"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2138","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/5"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=2138"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2138\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2142,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/2138\/revisions\/2142"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/2139"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=2138"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=2138"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/shineemobanaadir.so\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=2138"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}