Nagu Saabsan
Shineemo Banaadir
Shineemo Banaadir waa warside diiradda saaraya sahminta, falanqaynta, iyo bogaadinta shineemada caalamka — gaar ahaan filinsamaynta madaxbannaan ee Afrika iyo Soomaaliya. Warsidaha oo ah mashruuca ugu weyn ee hay’adda FANSO waxaa ka go'an kobcinta fahanka bulshada iyo kor u qaadidda aqoonta ku aaddan sooyaalka filimada, fanka, iyo dhaqanka, isagoo soo bandhigaya dib-u-eegisyo qoto dheer, maqaallo aragtiyeed, curisyo hal-abuur leh, wareysiyo lala yeeshay filimsameeyayaal iyo jilayaal, iyo wararkii ugu dambeeyay ee qaybaha kala duwan ee shineemada. Hawlgalkayagu waa inaan dhisno, dhiirrigelinno, oo kobcinno bulshada fanka jecel. Waxaan u heellannahay in aan tabantaabinno hibada maxalliga ah, aan kaydinno sooyaalka shineemada Soomaalida iyo tan Afrikaanka, isla markaana aan dhisno mustaqbal ay sheekatebinta asiiliga ahi ku kobocdo gudaha iyo dibaddaba. Shineemo Banaadir, waxa ay u taagan tahay taageeridda horumarka shineemada Soomaalida, dhiirrigelinta codadka cusub, iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya shineemada gudaha iyo tan caalamiga ah.