Whiplash, oo uu agaasimay Damien Chazelle, waa baaritaan qoto dheer oo ku saabsan hamiga, nafhuridda, iyo raadinta aan hakadka lahayn ee dhamaystirnaanta. Filinka, oo ka warramaya wiil dhalinyaro ah oo muusigga jazz-ka tuma la na yiraahdo Andrew Neiman (Miles Teller), iyo macallinkiisa arxanka darran ee Terence Fletcher (J.K. Simmons), waxa uu lafa gurayaa qalalaasaha nafsiyadeed iyo dareenba inta lagu guda jiro baadigoobka farshaxan ceebta la’.
Qoto-dheeraanta dulucda iyo Dhisidda shakhsiyaadka
Whiplash waa filin dulucdiisu tahay xadadka kala duwan uu qofku ka gudbo si uu heerarka sare u gaaro. Andrew Neiman waa arday sannadkiisii ugu horreeyay ka dhigta dugsiga caanka ah ee Shaffer Conservatory of Music, waxa uu ku riyoodo inuu noqdo mid ka mid ah tumayaasha jazz-ka ugu weyn. Hamigiisa waxaa oo kaliya rumayn kara Terence Fletcher oo habkiisu baristu tahay mid naxariis daran laakiin natiijo leh. Fletcher falsafadddiisa baristu waxay ku qotontaa in baarka sare lagu gaari karo cadaadis aan joogsi lahayn hadduu rabo xadgudub ha noqdo. Xidhiidhka ka dhexeeya Andrew iyo Fletcher waa dabka shidaalinaya filinka. Shakhsiyadda Fletcher waxaa lagu soo bandhigayaa argaggax, waxaa la moodaa qof waalan, dulmiga uu gaysanayo waxaa lagu fasiri karaa aaminaaddiisa muhiimadda uu leeyahay farshaxanka guusha gaara. Waxqabadka jilliin ee Simmons waa mid aan caadi ahayn, isagoo matalaya dabeecad argagax leh haddana si qariib ah soo jiidasho u leh. Safarka Andrew, dhinaca kale, waa mid isbeddel iyo xamaasad. Waxaan daawanaynaa isbaddelka wiilka da’da yar ee xiiseeya garaacista Jazz-ka ilaa uu ka noqonayo qof wax walba u huraya farshaxankiisa.
Farsamooyinka Filinka
Agaasinka Chazelle waxa uu xaqiijinaya in filinka bilowgiisa ilaa dhamaadku noqdo mid xawaare sare oo xiiso leh. Adeegsiga muuqaalada dhow iyo tafatirka degdega ah waxay ka tarjumayaan garaaca durbaanada Andrew iyo cadaadiska uu wajahayo. Dhammaadka filimka, oo ah 20-daqiiqo oo garaacis muusig oo xiriir ah, waa cashar laga baranayo sida loo dhiso xiiso iyo dareen wada socda. 20kaan daqiiqo kaliya kama turjumayso dhoolatuska awoodda filin samaynta Damien ee sidoo kale waa gunaanadka ama jawaabta safarka adag ee Andrew iyo tababarka arxanka darran ee Fletcher.
Kaamirooyinku waxay inta badan diiradda saarayeen agabka iyo muusigleyda, gaar ahaan inta lagu jiro marxaladaha tababarka iyo bandhigyada, iyadoo la xoojinayo awoodda iyo saxnaanta loo baahan yahay marka la joogo garaacista jazz-ka. Goysyada degdega ah iyo isqabadsiinta tafatirka iyo garaaca durbaanku waxay daawadaha u abuurayaan dareen ka turjumaya halganka gudaha ee Andrew iyo cadaadiska dibedda ee Fletcher.
Saamaynta Nafsaaniga iyo Dareenka
Qodobbada nafsaaniga ah ee Whiplash waa kuwo soo jiidasho leh sida dhinacyada farsamo ee filinka oo kale. Filinku wuxuu su’aalo ka keenayaa qiimaha ay tahay in la bixiyo si loo gaaro baarka sare iyo xuduudaha anshax ee barista ama barbaarinta. Hababka ad-adag ee Fletcher, oo ay ku jiraan aflagaado iyo khiyaano, waxay Andrew u riixayaan xadka burburka iyo wixii ka gadaaleeya. Xiriirkan wuxuu inoo muujinayaa sida ay raadinta dhamaystirnaantu u abuuri karto xaalad burbur oo sumaysan. Filinku wuxuu kaloo faaqidaya saxnaanshaha tallaabooyinka xadgudubku haddii ay soo saarayaan natiijooyin waxtar leh. Isbedallada nafsiyadeed ee Andrew inta uu hoos joogo tababarka Fletcher waa mid xiiso leh haddana murugo leh. Wuxuu noqdaa mid is go’doomiya, xiriiradiisuna ay ku dhaawacmaan, wuxuuna yeelanaya xamaasad xooggan oo ku aaddan garaacista.
(Qoraalkani wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 1aad, Agoosto, 2024)