Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Curis > Faallooyin > Chunking Express (1994): Xorriyad aan xad lahayn

Chunking Express (1994): Xorriyad aan xad lahayn

Waddooyinkan ku hillaacaya midabada neon-ku waa Hong Kong, halkaan wakhtigu waxa uu u qulqulaa oo isu baddelaa sida dareemada deegaankeeda oo kale, filinkuna waa sahan uu Wong Kar-Wai kusoo bandhigayo xorriyadda baahsan ee ku lifaaqan jiraalka aadanaha. Si la mid ah baxaaliyadii tebinayay sheekadii jiraal ee Jean-Paul Sartre, The Age of Reason, shakhsiyaadka filinkani waxaa iyagana lagu xukumay xorriyad aan xad lahayn, oo lagu seeteeyay mas’uuliyadda go’aannada gaarka ah ee noloshooda. Aragtiyaha jiraalka waxaa laga eegan karaa daqiiqad walba oo Chungking Express ka mid ah, waxaan ka boganaynaa oo la dareen noqonaynaa mar kasta oo aan daawanayno kalinimada iyo hilowga ku sidkan xorriyaddeena maalinlaha ah.

Habtebinta sheekada filinka, oo ka kooban labo sheeko oo si dabacsan isu suran, ayaa ah muraayad aan ka dhex arkayno dabeecadaha kala jaadka ah ee doorashooyinka aadanaha. Labada sheekaba waxay tebinayaan labo askari oo boolis ah oo jacayl ku hungoobay, maadaama ay xor ka yihiin filashooyinka bulshadana, waxay ku dhex dabaalanayaan hirarka kala duwan ee badweynta dareemada si ay u qeexaan ahaanshiyahooda. Muuqaaladu waxay inoo muujinayaan halgankooda gudaha iyo dibadda, Chunking Express waa suugaan muuqata oo kaaga tagaysa xaallad dhabannahays ah.

Aan u fiirsanno sheekada koowaad, askariga 223, oo uu jilayo Takeshi Kaneshiro, sawaxanka iyo midabada dhexdooda ayuu dib ugu milicsanayaa meertada waqtiga iyo macnaha jiritaankiisa maadaama ay soo dhawaanayso dhalashadiisa 25-aad. Magaalada ku hareeraysan, oo leh midabyo nooc walba ah, tamar, firfircoon iyo sawaxan joogta ah waxay baaq u tahay fursadaha aan dhammaadka lahayn ee ku lingaxan dhallinyarnimda. Hase yeeshee, si u eg tebiyaha sheekadii Fyodor Dostoevsky ee Notes from the Underground, oo ku madax-adaygaya booqashada dhakhtarka ilkaha isaga oo xanuunku kusii labo qarxayo, Askariga 223 waxa uu xor u yahay inuu gaaro go’aanno la yaab leh oo aan maangal ahayn. Quus awgeed, wuxuu go’aansanayaa inuu jacayl u bandhigo haweeneyda ugu horreysa ee uu arko marka ay soo gasho baarka. Doorashadan, oo u muuqata mid aan maangal ahayn, waa muujinta xorriyaddiisa – awoodda uu u leeyahay inuu qaabeeyo masiirkiisa marka uu wajahayo kalinimada iyo niyad-jabka.

Xorriyaddu, inkasta ay riyaaq tahay haddana waxaa la socda dareen walaac oo qotadheer. Chungking Express waxa uu dooddaan si qurux badan ugu muujinaysaa sheekada labaad, halkaas uu askari 663, oo uu jilayo Tony Leung Chiu-Wai, soo baraarugayo isaga oo ku sugan xaalad dareen-beel ah ka dib kala tagga isaga iyo jacaylkiisa. Xorriyadiisa uu ku dooran karo waddo cusub ayaa ku haysa welwel joogta ah, waxa uu noqanaya mid ka baxsan goobta, oo la rafaadsan caloolyowga xasuusaha jacaylkiisii hore. Kar-Wai wuxuu si dareen ku jiro inagu tusinayaa halganka gudaha ee shakhsiyaadkiisa. Sidoo kale waxa uu ina xasuusinayaa in aan mar walba aan xorriyaddeenna u adeegsanno doorashada go’aanadeenna maalinlaha ah, waa in aan sidoo kale ku baraarugsanaanno cawaaqibta go’aannadaas. Waa sidii uu Sartre u yidhi, “Qofku waxa uu ku xukman yahay in uu xor ahaado; sababtoo ah marka lagu soo dhex tuuro aduunkaan, waxa uu masuul ka yahay fal kasta oo uu sameeyo.”

Farsamooyinka muuqaaladda ee filinka, sida duubista gaabiska ah iyo farsamada step-printing-ku, waxay abuurayaan jawi riyo u eg oo si fiican u buuxinaya jahwareerka dareen ee jilayaasha. Step-printing-ku waa farsamo muuqaalka lagu duubayo “Frame Rate” hoose, ka dibna la nuqlayo labo ama saddex jeer dabadeedna lagu soo bandhigo duubista caadiga ah ee 24 Frame halkii sikin. Ujeeddada farsamadani waa in ay muuqaalka u ekaysiiso mid xawaare ku socda sidoo kalena gaabinaya. Natiijadu waxay yeelan kartaa turjumaado badan laakin labo wax baa u muuqda inaan si fiican ula xiriirin karno.

• Koow, Jilaagu waxa uu u muuqdaa mid ka go’an ama ka baxsan dunida ku xeeran.

• Laba, marka jilaagu ka soo muuqdo muuqaal xawaare gaabinaya, waxaan dareemaynaa muhiimada u leeyahay muuqaalkaas gaarka ah.

Tebinta filinka ee kala daadsan, waxa ay marka hore u muuqata mid aan qulqul lahayn, laakin dhammaadka waxaan dareemi doonnaa in ay hoosta ka xariiqayso dulucda filinka ee xoriyadda jiraalka. Labada sheeko, si kasta oo ay u kala fog yihiin haddana way isla xiriiraan, iyaga oo abuuraya sahan wadajir ah oo ku saabsan jacaylka, kala-tagga, iyo dareemada aadanaha. Doorashada sheeko-tebinta noocaan ah ayaa marag u ah ogaalka filin samaynta Wong Kar-Wai, maadaama ay ka tarjumayso saadaalin la’aanta sheekada.

Chungking Express, xorriyaddu waa duco iyo habaar. Jilayaasha waxay xor u yihiin inay dib u jiheeyaan naftooda, waxay xor u yihiin in ay sameeyaan doorashooyin ka soo horjeeda dhaqamada bulshada, laakiin isla xorriyaddaas ayaa ka dhigi doonta kuwo u nugul cawaaqibta falalkooda. Daawade ahaan, Kar-Wai waxa uu ina xasuusinayaa in dhabbada nolosha ay ka buuxaan caqabado ay waajib tahay in aan is hortaagno oo aan qaadanno mas’uuliyadda nolosha aan dooranno inaan ku noolaanno.

Filinku waxa uu inooga tagayaa dareemo isugu jira niyad-jab iyo rajo. Muuqaalka gola-xirka, askari 663 waxa uu bilaabaya in uu ka bogto wixii hore oo uu soo dhaweeyo fursadaha mustaqbalka, golatuskani waa xasuusin qotodheer oo ku saabsan adkaysiga jinsiga aadanaha. Waxaad mooddaa in uu Kar-Wai dabaqayo aragtidii Martin Heidegger ee ahayd “Iyada oo laga yaabo in aayaheennu yahay mid la sii go’aamiyay, laakin dhabbada aan dooranno had iyo jeer waa mid annaga naga turjumaysa.” Shakhsiyadaha Chungking Express waxa laga yaabaa in ay lumaan oo is waayaan, laakiin sidoo kale waxay qarka u saaran yihiin inay is dib isu helaan.

Chungking Express waa dhambaal lagu amaanayo xorriyadda qeexda jiritaankeenna. Filinka Wong Kar-Wai waa saacad iyo afartan iyo labo daqiiqo oo ka warramaya quruxda iyo xanuunka ay leedahay in lagu noolaado adduun aan xor u nahay in aan dooranno aayaheenna. Waxa uu ina kula dardaarmayaa in aynu qaddarinno xoriyadeenna, si aynu uga guulaysanno werwerka ka dambeeya doorashada, oo aynu noolaanno nolol dhab ah oo innoo gaar ah. Waana qodobkii uu Nietzsche  innoo hogatusaalaynayay markii uu lahaa, “Qofka jahannama soo dayaysa si qab leh u wajaha; isaguba wadna baqa wuu leeyahay si la mid ah dadka kale, laakin wuxuu ka guulaystay cabsida.” Waxayna ku arooraysaa meerisyadii Timacadde  ee;

Lama helo wadaadow waxaan cidi ku hawshoon,

Naftaa loo hantaaqaa waxaad hiigso leedahay.

(Qoraalkani wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 3aad, Oktoobar, 2024)

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *