Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Curis > Faallooyin > You Will Die at Twenty (2019)

You Will Die at Twenty (2019)

Fiid roobaysan oo kamid ah bishii June, anigoo baadigoobaya filin aan habeenkayga ku laxameeyo, ayaa waxay hoodadu igu sintay filinkan, magaciisa yaabka leh keliya igu beeray faduul iyo xiiso ku filan in aan hal fadhi kaga bogto. Waa You will die at 20!

Muuqaalka haad dul qotoma raqda neef lo’ ah oo yaalla dhul ban xigeen ah,  oo qiyaastii, loo xushay in daawadayaasha duunkooda si maldahan loogu taabto qisada ku soo foollan, ee ay geeridu dhextaalka u tahay, ayuu ku furmayaa.

    Shaqo-shineemeeddan, 103-da daqiiqo ah ee uu agaasimay Amjad abuu Calaala, oo ah filinsameeye kamid ah foolaadka hirka cusub ee shineemada Suudaan, waxaa udubdhexaad u ah sheekada Musamil (Muctasim Rashiid); wiil dhallinyaro ah oo markii uu dhashay, hooyadiis Sakiina (Islaam Mubaarak)  u geynayso wadaad suufi ah oo caan ka ah tuuladaan dhacda miyiga Suudaan, si uu barakadiisa ugu soo tufo, balse taas cagsigeeda wuxuu wadaadku,Sakiina iyo ninkeeda uga naxsanayaa warka ah; in uu wiilkeedu labaatan jir ku dhiman doono! Wuxuuna ugu sii quusgoynayaa “Amarka Ilaahay la ma baajin karo.” Saadaashaan baas ee shiikhu, waxa ay noqonaysaa uurkutaallo Musamil 20 gu’ eryata, qoyskiisana kala irdhaysa. 

    Aabbihiis, Alnuur (Talaal Cafiifi), oo wadnaha siin waayay in uu goobjoog u ahaado maalinta hadalkan khaliifku dhaboobi doono ayaa isaga tagaya tuulada, isagoo dibadda u tacabbiraya. Sakiina oo ah marwadiisa oo uu karti badan ku tuhmayo ayuu ku leeyahay waa kugu keligaa! Sakiina filashadii ninkeeda waa ay ka run sheegaysaa, oo si dhabar’adayg leh ayay dusha ugu ridanaysaa masuuliyadda iyo barbaarinta wiilkeeda ayaanka daran.

    Filinkan waxaad mooddaa in lagu sawirayo aaminaadda indhala’aanta ah ee diimeed iyo sida ay u go’doomin karto nolosha qof dhan ama qoys idil. Musamil, hooyadii Sakiina, waxay dadaal kasta ku bixinaysaa sidii uu wiilkeedu maalmihiisa tirsan u dhammaysan lahaa isagoo lahayn wax dembi ah oo uu aakhiro ku cadaab mudan karo. Darbiga guriga ayay dhuxul kula xariiqdaa maalmaha ka haray cimrigiisa kooban. Markuu 6 ama 7 gu’ jirsado ayaa ay dugsi quraan ka soo qoraysaa, halkaas oo ay ardayda dugsigu, ugu yeerayaan “ina geeriyaad/son of death.”

    Qaybaha dhexe ee filmka, maadaama uu Musamil aqbalay in uu qof geeri ku xukuman yahay, oo xitaa godkii lagu aasi lahaa la sii diyaariyay, wuxuu u dhaxeynayaa masaajidka, guriga iyo dukaanka uu ka shaqeeyo. Wax kasta oo weji nololeed leh wuu ka cararayaa, masalan, mar gabar deriskooda ah oo geyaankiisa ah ay isku soo dhowaadeen, waxaan arkaynaa sida  uu isaga fogaynayo, taas oo aan u turjuman karno sida uu Musamil uga baqanayo, ama uu isugu dhiibay geerida, ee uu uga labalabaynayo in uu raad lagu soo xasuusto dunida iyo dadkaba kaga tago!

    Hase ahaatee, waxaa ay is baranayaan Sulaymaan (Maxamuud Siraaji), oo ah oday dalmareen ah, adduunkana cagta soo mariyay, tuuladiisana in uu wadka ku sugo ugu soo noqday. Sulaymaan oo ah nin fallaag ah oo goonisocod ah, wuxuu Musamil ku dhalinayaa qalalaaso gudeed, oo ku qasba in uu jiritaankiisa iyo aayatiinkiisa weyddiimo geliyo! Waxaa maankiisa ku loollamaya iimaankiisa diineed ee uu kalsoonida weyn ku qabay iyo fekradaha iyo noloshan xiiso leh ee uu Sulaymaan daaqadda ka tusay.

    Inta filinku socdo, waxaan goobjoog u noqonaynaa, Sulaymaan, oo mar kasta uu Musamil, gurigiisa ugu yimaado ka gadoodsan sida uu wiilkaan yar noloshiisii oo dhan ay ugu afduuban tahay hadal uu wadaad yar maalintuu ifka yimid yiri, oo aan la hubin.

    Wadahadallada filinku, waa kuwa si wacan loo falkiyay oo ka qayb laxaad leh ka qaadanaya korriinka sheekada filinka, isla goortaasna qoto u yeelaya shaqsiyaadka filinka, si gaar ah baxaalliyada: Suleymaan, Musamil iyo Naciima (Buunna Khaalid). Marka aynnu qodobkan ka hadlayno, waxaan xusi karnaa,maalin, Sulaymaan si caro leh Musamil ugu oranayo “Mayd soconaya ayaad tahay, adiga oo dhan geeri geeri ayaad u ekaatay; socodkaaga, urtaada,  debecsanaantaada…xitaa eegmadaadu waa eegmo geeriyaad.”

    Musamil (Mustafa Shaxaata), qur’aanka  laba qiraa’o ayuu ku qaybay, balse aqoonta maaddiga ah waa ka arradan yahay. Sulaymaan, oo arrintaas qaadanwaa ku noqotay ayaa xisaabta u dhigaya, sidoo kale, dunida shineemada ayuu barayaa, sawirro fan iyo shaamareer leh oo ay nolol ka da’aysa ayuu daawadsiinayaa.

    Hiyikac ayaa uu ku ridayaa, “Adduunka oo dhan ma waxaad u haysataa tuuladan yar ee aadan weligaa dhanna u dhaafin, xitaa Khartuun ma aadan arag!” Hadalladan carintu ka muuqato, waxaa ay inna tusinayaan sida Sulaymaan u jeclaysanayo in uu mar uun arko wiilka saaxiibkiisii hore (Alnuur), oo tuuladan uu cimrigiisa qaaliga ku luminayo isaga hayaama. Dhanka kale “tuuladan isaga hayaan” waxaa ay ka dhignaan kartaa sarbeeb ugu duurxulayo sida uu ugu diirsan lahaa in uu, Musamil galo kacdoon feker oo uu uga baxsanayo goobadan uu ku oodan yahay.

    You will die at 20, si kooban, waa waxqabad loo hagar baxay, oo markii u horreysay shineemada Suudaan, cagaha u geliyay abaalmarinta oscar-ka. Dhanka cinemotography-ga waxaa filinkan loo wakiishay Sébastien Goepfert. Sébastien, wuxuu si fannaanimo sare leh kaamaradda ugu soo bandhigayaa muuqaallo midabbada jeegaanta leh oo uu nagu daawadsiinayo qurux mug leh sida: abuurta webiga Niil, dareemmada wejiyada marriin dhalaalka ah ee jilayaasha, rooxaaniyadda iyo jawiyada nololmaameedka reer Suudaan. Sidoo kale, waxaa ashqaraar ku biiriyay midabbada lagu tebinayo filinka, Amine Bouhafa, oo ah muusigcuriyaha filinka, kuna ku laray muyuusig ku habboon shucuurta sheekadan ka dhacaysa miyiga Khartuum.

    Mash-hadyo shaammareer leh oo riyo iyo dhalanteed kuula muuqanaya ayuu innagu indhadaarandarinayaa Sebestian, sida muuqa, marka daraawiishtu [suufidu) iyagoo laashash koox koox u saaran oo xadraynaya ay isaga gooshayaan webiga Niil. Jilayaasha filinkan loo doortay waa kuwa aan dhihi karno waa hiboolayaal si mug leh u metelay shakhsiyaadka qisada.

    Amjad Abu Alala, waxaa uu filinkiisa u gunaanadayaa qaab dhammaad furan ah; oo daawadayaasha filinka u oggolaanaya in ay kaalin ku yeeshaan sheekada Musamil. Wax u eg ifafaalo rejo leh, oo ay haddana, hubanti la’aan ku dhafan tahay ayuu kaga tagayaa shaashadda.

    (Qoraalkani wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 1aad, Agoosto, 2024)

    Leave a comment

    Your email address will not be published. Required fields are marked *