Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Curis > Faallooyin > Past Lives (2023)

Past Lives (2023)

Past lives oo ay agaasintay Celine Song waa filin qaadaa dhigaya mawaadiic aad u dabacsan aadna u xiiso badan. Sida magaciisa ka muuqata waa maalmo tegay xasuustood, jacayllo hore ayaa dib u kulmaya oo xusi doona berisamaadkii iyo waayihii carruurnimada. Waa sheeko ku saabsan isku guntanaanta dunta qarsoon ee nafaha iyo kulamada sida dahsoon uga dhaca caalamyada arwaaxda ka hor dhalashada iyo soo cago dhigashada ifka. Waa sheekada qaddarka iyo cishqiga laba qof; cishqi aan dhammaan, taas oo si qodan u bidhaaminaysaa sida ay xiriirradu u yeelan karaan awood waarta marka dib la isugu yimaadana ay u soo noolaan karaan.

Nora iyo Hae Sung yaraantoodi waxa ay ahaayeen isku fasal iyo saaxiibbo isku dheer oo magaalada Seol ku dhaqan . Laakiin waxaa kala dhantaalaya qoyska Nora oo go’aansanaya in ay u hayaamaan carriga Canada. Labo iyo toban sano kaddib ayay waddooyinkoodu dib isugu soo dhacayaan oo qadka iska helayaan; waxa ay nasiib u yeelanayaan jaanis ay nolosha dib ugu jalleecaan oo dareenkoodi hore u shidaaliyaan. Labo iyo toban sano kale kaddibna waa ay kulmayaan. Midowgooda oo ah mid dareen leh waxa uu inna xasuusinayaa in noloshu tahay mid kakan iyo carraabo joogto ah, taladu sida aan rabno noqoneyn, midabka kaliya ay leedahaynna uu yahay isbeddelka.

Aragtida In- Yun: Dulucda Filinka

Nora, marka ay Hae Sung soo kala tegayaan waa ay yarayd, sidaas darteed waa kala lumeen, sidoo kale magaceeda asalka ahi “Na Young” ayuu ahaa. Hase ahaatee markan ay Hae dib ula kulmayso waa riwaayadqore New York ku nool waana oori, oo waxa ay u dhaxday Arthur oo isaguna qoraa ah. Waxyaabaha anuugnimada filinkan kaalinta weyn ku leh ama la dhihi karo waa nuxurkiisa waxaa ka mid ah aragtida kowniga (Unviersal) ah ee “In-Yun” oo ay Nora Arthur barayso. Waa aragti asal ahaan falsafadda Buddhism-ka ka soo jeedda. Waxa ayna sharraxaysaa jiritaanka xiriirro qaddaran oo dadka ka dhexeeya. Haddii laba qof oo dool ah waddo isaga soo hor baxaan oo kaliya maryahoodu is taabtaan wax ay ka dhigan tahay in ay nolol hore wax ka dhexeeyeen.

Eraygan “In-Yun” oo Kuuriyaan ah, waxa uu la macne ah yahay “Qaddar/Dib-u-dhalasho” Waxa uu tilmaamayaa in isla rafiiqidda labada qof ama xitaa kulankooda lama filaanka ahi uu yahay mid uu sababayo kulan ka dhacay nolol hore. Waxa ay soo jeedinaysaa in kulamada dadku aysan ahayn kuwa iska dhaca, shil ah sida aan mararka qaarkood u moodnno, balse ay yihiin isla doonasho/shirqool kowni ah. Caalamka ayaa kugu oranaya qofkan waxa uu muhiim u yahay safarka noloshaada.

Lurka Daltabyada

Past Lives mawaadiicda uu sida xeesha dheer u lafaggurayo waxaa ka mid ah dareenka daltabyada iyo sida uu qofka isdiiddada uga dhex abuuri karo. Nora waxa ay ka soo haajirtay Seol, Canada ayay tagtay ugu dambayn Newyork ayay saldhigatay si ay nolol cusub u billowdo laakiin dabayl dhanka tagtada ka soo dhabatay oo Hae Sung ah ayaa xasuusinaysa in ay jirto meel ay asal ahaan ka soo jeeddo. Arthur iyo Hae Sung Waxa ay kala metelayaan laba aqoonsi ee kala duwan ee ee nolosha Nora.

Filinku waxa uu ku furmayaa Nora oo Arthur iyo Hae Sung u kala turjumaysa islamarkaas waxa ay ka dhigan tahay qof labadeeda naf tii hore iyo tan hadda u kala turjumaysa. Hae Sung waxa uu ka turjumayaa nolosheedi hore ee Seol oo ay aad ugu hillowday, halka Arthur uu ka turjumayo nolosha New York ee ay hadda ku nooshahay oo teedii runta ahayd ka dhigan. Soo noqoshada Hae Sung waxa ay gilgilaysaa aqoonsigeeda qofeed waxa ayna is ogaanaysaa in ay laba aqoonsi leedahay waxaana ku kacaya boholyowga ay qabto ciiddii ay xuddunteedu ku duugneed. Waxa ay sheegaysaa in marka ay Hae Sung la joogto ay dareento in Kuuriyaan tahay sababtoo ah waa qofka kaliya ee magaceeda asalka ahaa “Na Young” ugu yeera beryo tegayna soo xasuusiya.

Filinku waxa uu ku qotomaa in qofku mar kaliya ku nolaan karo nololo badan. Nora ma aha gabadhii yareyd ee Kuuriyada koonfureed ku soo ababtay oo hadda waa qof gabi ahaan isbeddelay iyada oo sidaasi jirto gabadhaas yari weli Nora ayay ku dhex nooshahay. Qayb Nora ka mid ah ayaa Seol jirta inkastoo ay aqbalsan tahay in aysan dib u heli karin haddana way u murugoonaysaa oo halka ay joogto way ku qaloonaysaa. Waxa ayna carrabaabaysaa in ay halgan u soo gashay in ay New York timaado oo nolol ka abuurto, haddana ay mar walba duullimaadyada dhanka Seol ku sii jeeda sii eegayso. Sidoo kale ninkeeduna mar buu u sheegayaa in ay habeenkii marka ay riyoonayso Korean ku hadasho Ingiriiska marna kuma qarawdid ayuu ku leeyahay. 

Kala Doorashada Labo Daran

Waydiinta ugu mudan ee filinku ka jawaabayo waa: Mararka qaar saw qasab ma aha in aan daqiiqado kooban oo xus iyo xasuus u hibaynno qaybo muhiim u a nolosheenna kadibna iska sii daynno si aan taaganta iyo timaaddada diiradda u saarno? Tan oo ah su’aasha filinka udubdhexaadka u ah taas oo Nora noloshu hor dhigayso. 

Nora guurkeeda Arthur waa ay ku faraxsan tahay marka iyada loo fiiriyo haddana xarigga Hae Sung waa mid aan baaba’ayn. Labada nin (saaxiibkeedi hore iyo ninkeeduba) jacayl ayay u qabaan iyaduna dareen ayay laabta ugu haysaa labadooda, marka saddexdooda dareen kalgacal oo saddex xagal ah ayaa ay wadaagaan. Haddaba Nora waxaa horta taal labo go’aan, kala doorashada nolol hore iyo mustaqbalka. Ma waxa ay raacdaa Hae Sung iyada oo noloshii hore iyo hiddaheedii suubbanaa u xiiso burburaysa mase Arthur ayay la joogtaa iyada oo wixii hore iska macasalaameynaysa dalkeeda cusubna ka xamaalanaysa?

Dhammaadka Nora qodobka dambe ayay ku tawfiiqi doontaa. Muuqaallada filinka u dambeeya, marka ay Nora Hae Sung macasalaameynayso oo dhanka gaariga Sung gegida diyaaradaha geyn lahaa ku sii jeedaan labadoodu, waxaa nala tusayaa iyaga oo hal dhinac oo docda bidix (Tagtada) ah u socda; cabbaar kaddibna ay Nora kaligeed dhanka midig (Taaganta) u soo noqonayso iyada oo niyadxun.
Tan oo ka dhigan in aysan Nora ahayn qofkii hore, sidaas darteed Hae Sung qofka uu jacaylka u qabo (Gabadhii yareyd ee Nora) ma aha qof hadda sii jira. Cidda dhabta ah ee ay tahay waa Nora ee ma aha Na Young, nolosha iyo waqtiga dhabta ay ku nooshahaynna waa hadda iyo New York ee ma aha shalay iyo Seol.

Celine Song iyo Past Lives 

Filinka qaybo ka mid ah waa nolosha Celine Song. Nora waxa ay u taagan tahay Song oo dalkeedi ka soo haajirtay beri hore. Waxa damacsanayd in filin qaybo nolosheeda ka mid ah ka hadlaya samayso laakiin taas waxaa ka dhashay Past Lives oo ah filin caalamka shineemada iidaan u noqday. Halka ay aragtida qaddarka In-Yun ka imaanaysana waa wada jirka waxyaabaha nolosha ee lidka isku ah haddana isi saameynaya. Marka aan wax aan haysannay wayno waxa aan naawilnnaa in aan beddelkiisa helno, Song marka ay Seol ka soo ambabbaxayso waxa ay gadaal uga soo tegaysaa dhaqan, dal iyo luqad haddana intaas in la mid ah ayay helaysaa arrintan oo ah mid lala xariiriyo falsafadda bariga.

Waxaa kale oo xusid mudan in ay Song ahayd kaliya riwaayadqore filinkanina uu yahay kii ugu horreeyay ee ay qortay islamarkaana agaasintay. Sheekada filinku waa mid aad u miisaaman inkastoo ay meelaha qaar gaabinayso, haddana Celine waxa ay sida ugu heerka sarraysa ugu dadaashay in uusan dareenka daawaduhu meel kale aadin. Waxa ay mucaashiqinta aflaanta soo hordhigaysaa filin qurux badan kaas oo leh wadahallo qotodheer oo xasuusta ku waaraya. Sheekada waqtiga ayay nala wadaagtay;halka dhaqaaqa kamaraduna ay si wanaagsan uga qayb qaadanayso tebinta sheekada, soo bandhigidda muuqyo soo jiidasho leh, dareenka iyo metelaadda jilaayasha aadka u xasilloon.

(Qoraalkan wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 2aad, Sembtembar, 2024)

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *