Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Curis > Curisyo > Shineemada iyo dhaqanka: Sidee ayay aflaantu u qaabeeyaan dhaqamada iyo bulshooyinka?

Shineemada iyo dhaqanka: Sidee ayay aflaantu u qaabeeyaan dhaqamada iyo bulshooyinka?

Shineemadu waa dariiqo faneed, mid ka mid ah tabaha sheekotebinta kuwooda ugu quruxda badnaa aadnuhu bartay iyo qayb weyn oo nolosha ka mid ah. Filimadu kaliya ma aha isha madaddaalada, intaas waa ay ka duluc dheeryihiin oo waa daqiiqado dahabi ah oo gudbinaya dhambaallo nolosha laga dheegay. Waxa ay hormariyaan miyirqabka, habfekerka iyo ogaalka bulshada. Waxa ay ka hadlaan arrimaha togan iyo kuwa taban ee mujtamaca ka dhex jira. Sidaas darteed, waxa ay dadka ka caawiyaan in fahmaan nolosha, fanka, dhaqamada dadyowga kala duwan iyo ilbaxnimada daafaha dhulka ku faaftay. Waxaa kale oo ay soo tebiyaan wacaalka beryo tegay iyo sida noloshu ahayd dadkuna u noolaayeen, tan oo u adeegta agab dhiirrigelineed oo bulshada amase qofafka shaashadda hor fadhiya isbeddel ku riixda.

Tan iyo billowgii ilbaxnimada, dadku waxay had iyo jeer daahfurayeen habab kala duwan oo nololsha lagu eego geeddigana lagu hago, shineemadu waa mid ka mid ah daahfurka jaadkaas ah; weliba kuwa ugu mudan ayay figta sare uga jirtaa. Waxay u adeegtaa sidii muraayadda bulshada, oo ka tarjumaysa farxaddeeda, halganka, iyo kakanaanta qaabka ay u dhaqan yihiin iyo deegaanka ay deggan yihiin.  Waxa ay muujisaa dhaqamo kala duwan, qaabnololeedyo, iyo arrimo kale, iyada oo kor u qaadaysa damqashada, maanfurnaanta iyo garashada daawadayaasha. Waxaa intaas dheer, warshadaha filimadu waa mid ka mid ah qaybaha ugu saameynta badan bulshada casriga ah. Muuqaal kasta iyo filin kastaa waxa ay ka tarjumayaan dhibaatooyinka nolosha ee dadku la halgamayaan amase baraaraha uu ku neg yihiin, waxa ay xambaarsan yihiin aragtiyo falsafadeed, kuwo ruuxaaniyadeed ama kuwo cilmiyeed.

Qofku marka uu shaashadda hor fadhiyo, waxa uu ka qayb yahay bandhigga dhammaan noocyada kala duwan ee dooca (emotion) Jacayl, nacayb, aargoosi, gacan ka hadal, kufsi, iqk. Tanina waxa ay raad ku reebaysaa nafsaddiisa. Waxaa laga yaabaa adiga oo murugaysnaa in aad filin daawato oo aad ku aragto qof aad isku xaalad tihiin, markaa waxa aad dareemi doontaa in dhibaatadu aysan kaligaa kula dhalan oo dad badani kula qabaan, kolkaasna is adkayso. Dhanka kale, waxaa lga yaabaa in aad isla filinka ku aragto shakhsi gudihiisa nacayb ka buuxo oo cawaaqib xun mudanaya markaasna aad nacaybka ka fogaato.

Dadku meel walba oo ay joogaan waa isku dareen. Dulmiga, caddaalad darrada, nacaybka, colaadda, xanuunka iyo wax walba oo ruux dhiba waa la wada dhibsadaa. Jacaylka, caddaaladda, nabadda, quruxda iyo dabiicaddana waa la wada jecel yahay, sidaas darteed, sida bulsho walba xasuus wadareed u leedahay ayay aadanuhuna xasuus wadareed iyo xiriir sokeeye u leeyihiin oo wixii qof dhiba qofka kalena in ay dhibaan ayaa la arkaa, shineemaduna xiriirkaas iyo xasuustaas ayay aad u xoojisaa. Filinka marka aad daawanayso dadka ku jira ayaad la dareen tahay sidi in aad taqaan ayaad u dhaqantaa, wixa dhibaya iyo waxa u roonba waad la wadaagtaa, kolbana kooxda ama qofka dhanka samaha jira ayaad la safataa, taasina waa dareen insaani ah oo aadanaha ku wada abuuran, waana halkaas meesha xiriirka nolosha qofka iyo shineemadu ka unkamayo una suuraggelinaysa aflaanta in ay raad nagu yeeshaan.

Haddaba, shineemadu saameyn sarreysa ayay nagu leedahay, mid aan dareensannahay iyo mid aan ku baraarugsaneyn, mid fekereed, jiraaleed, iyo mid dhaqameedba. Dabayaaqada qarnigii tegay, Soomaalida waxaa u dumay gabbal xun oo ay gondaha la gashay burbur baaxad weyn oo xag walba oo nolosha ah iyo colaado lagu riiqay oo wax kasta dheehi ka dilay; barbaartiina gegi maran oo rejobeel iyo ciirsila’aan ah dhex joojiyay. Xamar oo ahayd xuddunta dagaalka, iyo barta ugu badan ee baaba’u ku dhacay waxaa ka curtay kacaan cusub oo loogu yeeri karo “Kacaankii shaleemada” sanaddii 1996-97-di waxaa si rasmi ah loo billaabay in filimada Hindiga ah af Soomaali loo turjumo, shaleemooyinka magaaladana loo qeybiyo tan oo markii dambena goballada dalka usii gudbi doonta. 

Booqashada shaleemaduna waxa ay noqotay qayb qurux badan oo ka mid ah nolol maalmeedka jiilkii ayaanka darnaa ee waayay wax ay nafta iyo niyadda ku sasabaan iyo aayatiin ifaya. Si dhab ah, ayay shaleemada isugu dhiibeen, oo ula midoobeen iyaga oo u oggalanaaya in ay daadihiso, waxaana mar kaliya la arkay iyaga oo isu mooda in aysan Xamar joogin oo ay Mumbaay iyo Kalkaltaa ku noolyihiin. Habeenkii marka shaleemada laga soo baxo dhallinyaradu horay kama seexan jirine, filinkii la daawaday wada hadalladiisa iyo ficilladiisa ayaa la isku maaweelin jiray, sidii in ay filinka jilayaan ayaa qof walbaba door meteli jiray, maalinkiina filinka habeenkaas shaashadda saaran ayaa la isu diyaarin jiray.

Pedro Almodovar, filinsameeyihii reer Spanish ayaa laga hayaa,

” Waxaan dhashay waqti Spain u daran, laakiin runtii aad ugu fiican shineemada.”

Haddaba, facan ku soo aaday waqti dalka u darnaa kacaankan cusub oo ay kooxdii Alfaghi abuureen waxa uu ku kexeeyay in ay shaashadda iyo filin daawashada jacayl weyn u qaadaan, oo ka guntadaan waaya-aragnimo iyo xasuuso maguuraan ah. Baraha bulshada lama aqoon, reeraha telefeshinku guriga u yaal farakutiris ayay ahaayeen, sidas awgeed, shaleemadu waxa ay noqotay meesha kaliya ee la isku madaddaaliyo, maalamaha adag lagu illaawo, aflaantuna waxa ay noqdeen kuwo ballan qaada in ay maalmo wacan soo socdaan. Sida atooraha iyo atariishadu rafaad dheer kaddib aakhirka isu helaan jacaykooduna u miradhalo si la mid ah ayay dadkuna ugu hammi weynaayeen in waayaha adag Iyo dagaallada laga gudbi doono adkeysigooduna hal bacaad lagu lisay noqon doonin.

Inta yar ee ay shaashadda hor fadhiyaan wax walba ayay hilmaansiin jirtay, waxa ayna ugu deeqi jirtay daqiiqado iyo xaalado ka qabow kana naruuro badan kuwa wiirsiga ah oo ay ku jiraan.

“Waan ka helaa markaan shaleemada galo, oo aanan ka warqabin inaan halkaas joogo; Waxaan gabi ahaanba ku lug lahaadaa filinka laba saacadood.”

Intaas kaddib waxaa billaabatay in dhaqamo badan oo shaashadda laga bartay ay magaalada iyo jawiyada ku soo kordhaan, nolosha lagu dabaqo, erayo cusub oo dabacsan iyo kuwo xifaaleyn ahina afka iyo dhaqanka ku soo biiraan. 

Luuqadda iyo muusiggu: Daawadayaasha waxaa aad u soo jiitay muusigga macaan iyo erayada dareenka leh ee aflaanta Hindiga. Heeso badan oo Bollywood-ka caanka ahaana laxankooda waxaa lagu dhex daray muusigga Soomaaliyeed, eryo iyo oraahyo Hindi ah ayaa sidoo kale afka Soomaaliga ku milmay.

Dharka iyo qaab-xirashada: Hab lebbiskii iyo dhar xirashadii jilayaasha aflaanta Bollywood-ku saameyn cusub ayay ku yeesheen dharxirashada Soomaalida, si gaar goobaha xalfadaha iyo baashaalka. Dhallinyaradiina waxa ay billaabeen in ay dharka xiddigaha caanka koobiyeeyaan.

Qaayasoorrada dhaqanka iyo isku xirnaanta: Aflaanta Bollywood-ka waxa ay badanaa xooggaa saaraan xaalado iyo duruufo aad ugu kuwa Soomaalida, sida nolosha qoyska, jacaylka iyo isku dhacyada sokeeyaha, marka tani waxa ay dib u qaabeysay aragtiyaha nololeed ee ku aaddan xiriirka iyo isku-xirnaanta bulshada.

Sheekooyinka iyo riwaayadaha: Farsamooyinka sheeko-sheegidda ee Bollywood-ka, oo leh dhacdooyin xiiso leh iyo kuwo dareen leh inta badanna farxad ku dhammaada waxa ay saamayn ku yeesheen mu’allifiinta iyo majaajiliistayaasha Soomaaliyeed waxyaabo badan oo qaabdhismeedka sheekooyinka Bollywood-ka ka mid ahaana waa laga akhrisan karaa sheekooyinki hore iyo kuwa illaa hadda la sameeyo.

Kani waa sawir aad u yar oo na tusaya sida aflaanta Bollywood-ku dhaqanka iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed ula falgaleen oo raadka aan guurin ugu yeesheen; dhab ahaantiina, shineemadu sidaas iyo si ka sii fog ayay guud ahaan dhaqamada bulsho ee jira ugu milantaa uguna xididdaysataa. Shineemada yoolkeedu ma aha in ay bulshada wax ka beddeesho, kaliya dhacdooyinka iyo sheekooyinka qofaf daafaha dunida kala jooga ayay kaamarida ku werisaa, haddana waxa ay leedahay awood qarsoon oo ay siyaabo badan u qaabayso bulshooyinka iyo dhaqamadooda. Waxa ay ka sawirtaa sida dadku u nool yihiin iyada oo shaashadda ku  soo bandhigaysa nolol maalmeedka, xeerarka afkaaraha, falsafadaha iyo caadooyinka kala duwan ee dadyowga caalamka, kuwan oo saameyn ku yeesha aamminka iyo adduun-aragga shakhsiyaadka daawanaya, waxa ayna u horseedaan qaadashada fekrado cusub ama qaab nololeedka lagu muujiyay shaashadda.

Tixraac

Role of Cinema in Shaping Society and Culture by Subhajit Roy, Jan 27, 2024.

The Impact of Film on Culture: Reflections on Movie Industry, Violent Impact and

Politicized Content Production Hadrian Lynn

A CRITICAL STUDY OF SOCIO-CULTURAL IMPACT OF CINEMA

ON SOCIETY Mr. Umesh Nana Wama

(Qoraalkani wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 1aad, Agoosto, 2024)

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *