Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Curis > Curisyo > Ukuurgelidda shakhsiyadaha Saddexleyda The Godfather: Dhalanroganka Micheal Corleone 

Ukuurgelidda shakhsiyadaha Saddexleyda The Godfather: Dhalanroganka Micheal Corleone 

Hordhac

Silsiladda ‘The Godfather/Abbaaga Weyn’ waa mid ka mid ah waxqabadyada ugu wanaagsan ee taariikhda shineemada. Waxsoosaarkaan shakhsiyadaha jilaayaasha ka ihi mid kasta waxa uu ka soo dhalaalay doorkiisa uu kaga soo muuqanayay muuqyada dhacdooyinka maafiyada ee saldhiggoodu yahay danbiga. Shakhsiyad kasta waxay mudan tahay in si iskeeda ah la isu dultaago oo lagu eego indhofuran iyada oo laga eegaayo sida ay filinka dhexdiisa ugu xarragoonayso iyo tabta ay kaga soo dhalaalayso doorkeeda.

Shakhsiyadaha waxqabadkaan qoysaska maafiyada ah ka soo jeedo badankood waxa ku dhacaayo doorsoon ka la jaadad duwan iyaga oo ka baxaayo tabtii ay filinka ku soo galeen ama qaarkood filinka ayayba ka baxayaan. Shakhsiyadda aan sida goonida ah isu dultaagayno waa wiilka odayga wayn ‘MICHAEL CORLEONE’ iyo sida ay shakhsiyaddiisu u marayso heerar ka la duwan iyo doorsoonno ka la jaadadka duwan. Waxaan ka marag kacaynaa sida uu shakhsiyaddaan kaga soo dhalaalay hiboolaha-‘aadd mooddid in jalista loo abuuray’ Al Pacino doorkiisa: jilista wiilka odayga wayn. 

Billowga hore shakhsiyaddaani waxay ka mid tahay shakhsiyadaha aanan billowga filinka ku soo galaynin waynin oo waxay noqonaysaa mid silsiladda dhexdeeda ku dhalanayso misana ku dhex korayso silsiladda dhexdeeda oo marka danbe noqonayso mid bulaasho oo qoyska maafiyada ah door wayn ka cayaarayso.  Shakhsiyaddaan doorsoonka u horreeyo waxa uu ku dhacayaa markay korayso, Aabbaha Micheal ma aannu doonaynin in uu wiilkiisu farokuyeesho danbiga ganacsiga maafiyada, isaga oo la jeclaa ku biirista siyaasadda. Bal se shakhsiyaddu way ka duwnaanaysaa doonistaas waxaynna la koraysaa: xidhxidhnaan, qunyarsocodnimo aamus wehliyo iyo waliba dhagar.

Shakhsiyaddu xidhiidhka ay dadka la lee dahay aad buu u koobnaanayaa oo inta ugu badani waxay diiradda saaraysaa shaqo badnaan iyo waxku’oolnimo ku sallaysan dhacdooyin danbi ah. Koritaankaasi waxa uu ka soocayaa dadyowga kale oo shakhsiyaddaani waxay noqonaysaa: mid aanan lahayn wax ay xiisayso, fan iyo inaysan marna ku raaxaysan oo aysan ku baashaalin hantida qoyska. Dareen kasmonafeedda shakhsiyaddaani waxa uu noqonayaa mid muudhkeedu mar kasta qasan yahay oo kaliya warka ku koobayso aniga: waan wanaagsan ahay.

Adigana: waad xun tahay. Doorsoonka jiritaanka shakhsiyaddaan qaabaynaayo waxa uu ka imaanayaa qoyska iyo dhaxaltooyada dabeecadaha qofeed ee ay ka la imaanayso odayga wayn. Waxay dhaxaltooyadaasi¹ qaabaynaysaa doorsoonka shakhsiyaddaan oo waxay ka soo saaraysaa wiil-hoog aysan qoysaska kale ee maafiyada ahi u babac dhigi karin.

Michael, doorsoonka uu ka helay odayga wayn waxa uu u qaabeeyay qaab: anaaniyo, qab iyo shakhsiyad mikiyaafeelli ah. Waxay qaabayntaasi ka dhigtay mid mayal-adag oo aan ku qancin cadquudheed iyo waxqabad liito. Had jeer waa mid natiijo sare baadigoob ugu jiro oo aad u qorshe badan sida oo kalena u saaxiib ah garaad. Waxa uu yaraantiisii helay aabbe aad u adadag oo aanan ku qancin waxyar misana aydhoolajiyaddiisu tahay ‘ciidda hoose ama caadka sare’ iyo hooyo daacad ah oo aad u naxariis badan oo uu ka dhex helayay xusuusaha. 

Digarogashada iyo luminta dadnimada

Marka ugu horrayso ee uu noqdo madaxa hantida qoyska waxa uu soo bandhigayaa waxku’oolnimo aanan caadi ahayn taas oo odayga wayn u muujinayso rajo wayn oo ah ciddii dhaxli lahayd inay soo baxday. Dhab ahaan taasina waxay noqotay mid rumowday oo geerida odayga wayn ka dib waxaa maafiyada ‘doonka’ dhabta ah ka noqonaayo Micheal. Tani waxay qaabaynaysaa doorsoon hor leh oo ku imaanaayo Micheal, wax waynna ka baddeli doonto shakhsiyaddii hore misana waxaa soo iftiimayso shakhsiyad hor leh oo daawaduhu waxa uu arkayaa: cunuggii silsiladda dhexdeeda ku dhashay, ku dhex koray oo haddana ah odayga wayn ee maafiyada oo dhan. 

Waxa uu noqonayaa anaani aanan ka diir nixin waxba, isaga oo la soo baxaayo xeerarka Mikiyaafeelli iyo iskudhafka caqli badnaantiisa aanan xeerna celin karin. Waxa uu iska hor leexinayaa cid kasta oo uu u arko inay caqabad ku noqoto damacyadiisa iyo doonistiisa awoodda sare. Si uu isagu nabad u ahaado waxa uu nabadda ka qaadayaa cid kasta, laab kastana waxa uu ku beerayaa welwel iyo wallaahow ay ka qabaan isaga. Maskax kasta oo u fekerta sidiisa oo kale waxa uu soo dhigayaa bannaanka oo maashka ayuu ka tooganayaa. Waxa uu ku soo baxayaa majixinjixe dhiigga cabbo oo waxa uu ku waalanayaa doonista awoodda sare iyo kalitalisnimo.

Waxay cidkasta ka yaabaysaa doorsoonka intaas la eg iyo kutalaxtagista danbiga ee ay shakhsiyaddaani la gaarka ahaatay. Michael, waxa uu dadka dhan u qaybinayaa cid isaga raacsan ama cid isaga cadow ku ahow oo wax u dhaxeeyo ma jirayaan. Shakhsiyadda Michael, waxaan ka dhex arki karnaa inay ku fogaatay oo ay u jaadrogatay falsafadda: ‘aragtida habka ka la qaybinta’². Taasi waxaa marag ka ah dhacdooyinka ka la duwan ee ay shakhsiyaddaani ku soo bandhigayso silsiladda iyo sida looga dhadhansanaayo markasta doorsoomid hor leh. 

Michael, waxa uu ku sii fogaanayaa anaanniyada, qabka, dhiigyocabnimada iyo waliba xanuunnada nafsiga ah. Waxa aan doorsoonkiisa ka arkaynaa sida qoyska maafiyada dhexdiisa uu mararka qaar kaga gaysanaayo falal aanan danqasho lahayn. Caqliga iyo ka shaqaynta danaha qoyska maafiyada ah isaga oo ku fogaanaayo ayay haddana shakhsiyaddaani gaboobaysaa oo ay ku kaliyaysanaysaa fillo cidlo ah. Doon Micheal, waxa uu sannaddii 1997-kii ku geeriyoonayaa kursi uu ku fadhiyay fillo cidlo ah kaligiisa. Cunuggii dhashay, ee ku dhex koray silsiladda dhexdeeda ee hankiisu ahaa madax wayne inuu mar uun noqdo, ka dibna ganacsiga qoyska faraha la soo galay deedna dhex dabaashay webi cas oo ka dibna noqday doonka wayn ayaa gaboobaayo oo marka danbe  ku nafbaxaayo kursi uu ku fadhiyay iyo filo cidlo ah. 

Geerida gacantaqooqan

Shakhsiyadda ‘MICHAEL CORLEONE’ waxay maraysaa dhalanrogasho ka la jaadad duwan oo ka soo billaabanayso dhalasho, korriinsho illaa iyo dhimasho ay inta u dhaxayso ay buux dhaafinayaan dhacdooyin uusan daawaduhu indhaha ka qaadi karin. Dhabtii shakhsiyaddani waxay ka mid tahay mid ka mid ah shakhsiyadaha ugu wanaagsan taariikhda shineemada iyo jilista shakhsiyadaha. Dugsiga Filinka Maraykanka³ qiimayn uu sameeyay sanaddii 2003-dii ayay shakhsiyaddani ka gashay kaalinta 11-aad xulashada boqolka halyay iyo waxku’ool ee taariikhda shakhsiyadaha shineemada. Isla kaalintaas oo kale ayuu geliyay warsidaha (magazine) Biritishka ah ee (Empire)⁴ shakhsiyaddaan uu Al Pacino jilaayo. Daawadayaasha shineemada gaar ahaan kuwa caashaqo oo daneeyo silsiladaha waxay la dhaceen habka iyo hibada jilista sare ee uu Al Pacino ku soo bandhigay shakhsiyaddaan. 

Dhammaad.

Ereyfur

1: Object relations theory.

2: splitting mechanism.

3: American Film Institute: waa dugsi ka faallooda, daraasado iyo qiimaynno ka sameeyo filimada.

4: Empire waa warside Ingiriis ah oo lagaga warramo filimada.

(Qoraalkani wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 2aad, Sembteebar, 2024)

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *