Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Articles by: Maxamed D. Ciise

Masraxa iyo shineemada Afrika:Taariikhayn iyo dulmar.

Hordhac iyo taariikhayn. Afrika, waxay lee dahay bulsho Afrikaan ah oo leh sooyaal durugsan, farshaxanno indhaqabad ah, middabbayn asal ah iyo dhaqamo guun ah. Bulshada intaas oo dhan leh ayuu fan ka soo dhex iftiimay oo ay yeelatay hiboolayaal lama’illaawaan ah haddii ay dhinac muusig, dhaqan, suugaan (tix iyo tiraab) iyo shineemo tahayba, hiboolayaasha faneed […]

Read More

Night on Earth (1991)

Daraama-maadeed. Hordhac. Waxsoosaarkaan (Night on Earth) waxa uu soo shaaxbaxay billowgii sagaashamaadkii, waxaanna qoray oo agaasimay daraama-maadeeddaan agaasime Jim Jarmusch. Tabtiisii iyo farshaxankiisii fududaa ee lagu soohayay u kuurgalidda nolosha ayuu u agaasimay waxqabadkaan. Tayadiisii golamuujinta, qaabayntiisii muuqshineemadana wuu adeegsanayaa si uu u dhiso una muujiyo tabtiisii gaarka ah ee sheekatabinta iyo hal’abuurka. Agaasime Jim […]

Read More

Léon: The Professional (1994)

“Aarsigu ma fiicno…”~Lèon. Filinkaan qiimiga wayn (Léon: The Professional) ee fal-danbiyeed-(Action-Thiller)-ka ah waxaa agaasimay oo qoray  agaasime Luc Besson, sannadkii 1994-kii ayuunna soo shaacbaxay oo uu la gola yimid sheeko saamayn nafeed iyo tu dareenba ku reebayso daawadaha. Sheekada billowgeeda illaa iyo dhammaadkaba waxa ay la falgalaysaa oo ay marba dhinac u rogaysaa dareenka, argatida […]

Read More