Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Curis > Faallooyin > Léon: The Professional (1994)

Léon: The Professional (1994)

“Aarsigu ma fiicno…”~Lèon.

Filinkaan qiimiga wayn (Léon: The Professional) ee fal-danbiyeed-(Action-Thiller)-ka ah waxaa agaasimay oo qoray  agaasime Luc Besson, sannadkii 1994-kii ayuunna soo shaacbaxay oo uu la gola yimid sheeko saamayn nafeed iyo tu dareenba ku reebayso daawadaha. Sheekada billowgeeda illaa iyo dhammaadkaba waxa ay la falgalaysaa oo ay marba dhinac u rogaysaa dareenka, argatida iyo go’aanka daawadaha. Kolka la daahqaado oo la ibbafuro golatuska u horreeyo waxa soo muuqanayso shakhsiyad xummaan oo dhan lagu sifayn karo, madaxjabintana shaqadeedu tahay haddana shubaalka sheekada iyo golatusyada dhammaandka waxaa baddelmayso aragtida uu daawaduhu ka haysanaayo shakhsiyadda uu ku arkay golatusyada lagu ibbafuray sheekada—oo waxa ay noqonaysaa shakhsiyaddii mid lagu sifaynaayo dadnimo iyo dishibilliin aad u heer sarreeyo.

Dhacdooyinka xammaasad abuurka ah ee shubaalka sheekada socodsiinaayo waxaa lagu sii soohay farshaxan aad u heer sarreeyo oo la falgalaayo dareenka daawadaha, sida oo kale shakhsiyaduhunawaxay doorkooda uga soo dhalaalayaan si ka baxsan dunida jilliinka.  Sheekadu waxay darsaysaa xumaha, qallafsanaanta iyo dareenka insaanka haddana waxay sheekadu u muujinaysaa farriimahaas si xammaasad abuurid ah oo dhammaan dhacdo kasta ma aha mid uu sii saadaalin karo daawadaha.

Sheekatabinta filinka Léon: The Professional.

Sheekadu waxay tabinaysaa kaligiinoole (Léon) oo noloshiisii ku maareeyo hishiisyo madaxjabin ah oo uu u qabto koox maafiyo ah. Léon, waa kaligiinoole aad u qallafsan kuna dheggan xeerarkiisa gaar ahaaneed iyo dishibilliin aad u heer sarreeyo. Waxa uu fooqa uu deggan yahay ku la kulmayaa Mathilda, oo ah gabadh da’aadda tobanlayda ku jirto kuna cabbayso jaranjarada (sallaanka) sigaar oo aad isugu buuqsan.

Mathilda: Mar walba noloshu miyay adag tahay, mise waa marka aad caruur tahay?

Léon: Had iyo jeer waa sidan oo kale (way adag tahay).

Mathilda, qoyskeeda iyo iyadu isma fahmaan oo waa goonisocod aannay cidinna iskeenin—kaliya waxay jeceshahay walaalkeed oo ah cunugga ugy yar guriga. Lèon, isaga oo ka soo rawaxay shaqo ayuu markiisa labaad ku la kulmayaa Mathilda, jaranjarada (sallaanka) iyada oo u socoto suuqa, waxay waydiinaysaa waxa ay u soo gadi lahayd isaguna waxyar oo fudud buu dalbanayaa. Bal se nasiib xumo isla kolkay ka dhaqaajiso guriga waxaa soo weeraraayo koox si budhcadnimo ah ku shaqaysta bal se ka tirsan hay’adda la dagaallanka daroogada (DEA). Waxay si wadar ah u laynayaan qoyskii Mathilda, cid kastana nafta ayay dhaafinayaan. Lèon, oo la ah daris qoyska ay dhibtu ku dhacayso waxa uu waxkasta ka daawanayaa duleelka yar ee albaabka guriga.

Kooxdu waxay raadinayaan daroogada nuuca kookiinta ah oo uu qarinayay aabbaha Mathilda, nasiib xumo qarintaasi waxay gallaafanaysaa qoyska oo dhan. Mathilda, suuqa kolka ay ka timaaddo oo ay guriga timaaddo waxay albaabka guriga ku arkaysaa rag hubaysan, dhibtii dhacday iyo waxkasta bal se shakhsiyad aad u caqli badan ayay ku sifaysan tahay oo waa ay ka soo gudbaysaa albaabka reerkooda waxaynna garaacaysaa ganbaleelka albaabka uu deggan yahay Lèon—waxa uunna xoogaa ka labalabaynayaa go’aanka furidda albaabka nasiib wanaag kol danbe wuu ka furayaa.

Mathilda, waxa ay la noolaanaysaa kaligiinoolaha macangagga ah ee u dabran dishibilliinka iyo qunyar-u-noolaanshaha. Waxay ka codsanaysaa in uu baro howlaha madaxjabinta oo ay isaga la shaqayso una noqoto gacanyare si ay uga aarsato kooxdii xasuuqday reerkeeda. Bal se isagu waa uu ka diidayaa oo waxa uu ka dalbanayaa in aannay tagtadaas tiigsanin oo iska illowdo noloshana sii wadato. Iyadu waxay se kalgacal u qaadaysaa madaxjabshaha iskoriska ah—Lèon. Isagu se wuu ka biyadiidayaa oo waxa uu la nool yahay xusuusaha gacallisadiisii hore.

Nuxurka filinka;

Sheekadu waxay u kuurgalaysaa daraasaynta dareennada insaanka, qallafsanaanta, iyo aargudashada. Waxay sheekadu la falgalaysaa dareenka hoose ee daawadaha, waxaynna la gola imaanaysaa dhacdooyin xammaasad abuur ah oo aan sinna loo saadaalin karin—isla jeerkaas oo uu farshaxanka filinku soo muujinaayo dadnimada shakhsiyadaha. Shakhsiyadda iskoriska ah ee Lèon, waxay billowga hore u muuqanaysaa mid lagu soohay xummaan oo dhan, haddana isla dhinaca kale waxaa doorka xumaanta iyo dadnimatiranka ciyaaraayo saraakiisha hay’adda la dagaalanka daroogada—shakhsiyadda Lèon-na waxay ciyaaraysaa doorka dadnimada, dishibilliinka iyada oo ah maafiyo. Si kasta oo uu maafiyo u yahay Lèon, waxa uu ku astaysan yahay dadnimo, dishibilliin iyo qunyarsocodnimo.

Dhinaca kale haddii la iska joojiyo oo loo kuurgalo dareenka Mathilda, waxaa la arkayaa sida filinku u darsaayo xidhiidhka dhallaanka iyo qoyska ka dhaxeeyo—oo Mathilda, waxaa xanuujinaayo geerida walaalkeed oo wax dhib ah uma arkayso geerida walaasheed, hooyadeed iyo aabbeheed. Halkaas waxaa laga dhex arkayaa kalafurashada dareen ee dhallaanka iyo waalidkii ee uu filinku darsaayo.

Sida oo kale waxaa duljoogsi mudan sida ay Mathilda, u iftiiminayso nolosha iskoriska madaxjabinta qabbatimay. Lèon, waxa uu noolaa gabadha yar horteed nolol aanan lagu sheegi karin nolol, oo waxa uu noolaa nolol dansan misana aanan lahayn xiiso iyo dhadhan bal se ku soo biirista Mathilda wax wayn baa iska baddelay noloshiisa.

 “Waxaad i muudsiisay dhadhanka nolosha.” ~Lèon.

Guntidda faallada aan u kacaama’e filinkaan Léon: The Professional, waxa uu figta sare kaga jiraa aflaanta xammaasad abuurka ah ee xiisaha iyo xusuusta wayn ku reebaayo indhaha daawadayaashiisa. Waxsoosaarkaanni waxa uu hantay oo uu masraxayada shineemooyinka ka hantay abaalmarinno iyo maamuusid;

(Abaalmarinta César, filinka ugu wanaagsan sannaddii 1995-kii. Sida oo kale Abaalmarinta César, agaasimaha ugu wanaagsan “Luc Besson”. Iyo isla abaalmarinta César jilaaga ugu wanaagsan “Jean Reno”.)

(Qoraalkani wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 3aad, Oktoobar, 2024)

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *