Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Curis > Curisyo > Dark: Taxane Maangad ah Laakiin Dheef Badan

Dark: Taxane Maangad ah Laakiin Dheef Badan

“Noloshu waxa ay haddiyad u tahay kuwa yaqaan sida ay u

adeegsan karaan” -Adam

Dark (2017-2020) waa taxane Jarmal ah oo saddex kal (season) ka kooban. Waxaa soo wada saaray Baran bo Odar iyo Jantje Friese. Noociisu waa khayaal saynis (sci-fi) Waa mid ka mid ah taxanayaasha ugu wareerka badan haddana ugu nuxurka roon ee maskax aadmi hal-abuurtay. Su’aasha ugu horraysa ee uu ku warsanayo qofka aad ku tiraa, “Dark ayaan daawaday” waxa ay tahay, maxaad ka fahantay? Adiga laftaaduna marka aad gunaanadkiisa ku sii siqayso oo aad daqiiqadaha ugu dambeeya marayso ayaad baraarugaysaa oo isi su’aalaysaa daawataye horta maxaad ka fahantay mase waqti uun ayaan kaaga khasaaray?

Waydiintaas da’ada weyn waxaa sababaya in ku-safarka waqtigu (time travel) filinka tiir dhexaad u yahay. Waxaa loo kala gooshayaa bar waqtiyeed iyo caalamyo kala duwan, tagtada, taaganta iyo timaaddaduba waa kuwo isku furan mid walba kan kale ayuu saameynayaa mar walbana dhacdooyin isku mid ayaa soo noqnoqda, sidaas darteed arrintan ayaa filinka waxa ay ka dhigaysaa mid aad u adag oo dhacdooyinkiisu isku miliqsan yihiin waxa aadna isleedahay ujeedkuba waa in caqligaaga lagu ciyaaro.

Kalka kowaad ayaad dhammayn doontaa adiga oo indhaha taagaya, kalka labaadna adigoo jahawareersan kalka saddexaadna dareenkaaga lama saadaalin karo. Iska daba wareegga, caalamyada is barbar yaal iyo maangadka filinka marka meel la iska dhigo sheekadiisa madaxwareerka ahi waxay sahminaysaa mawaadiic fara badan oo wax-ku-ool ah, nasiib darro, nuxurkaas waxa na dhaafsiinaya u kala socdaalka goobo waqtiyeedyada kala duwan ee joogtada ah, taas oo ugu danbayn innagana jihada nooga lumin doonta sida ay baxaalliyada (characters) kala duwan ee filinka diiradda iyo macanaha nolosha uga qarisay.

Haddaba innaga oo arrinta ku-safarka waqtiga iyo waallideeda meel iska dhigaynna ayaan isku dayeynaa in aan bal u dhabbagalno quruxda filinka, nuxurka sheekadiisa oo ah mid aad u farshaxamaysan iyo mawaadiicda ay baarayso kuwaas oo  laga yaabo in ay ka gedmadaan qofka aad isugu hawla fahanka waqtiyada, isbeddelka ku dhacaya baxaalliyada iyo qaabdhismeedka nolosha afarta qoys ee sheekadu ku socoto.

Taxanuhu wuxuu ku salaysan yahay magaalo Jarmalka ku taal oo khiyaal ah taas oo Winden lagu magacaabo. Goor ku beegan 21-da June ayaa Michael Kahnwald oo ah aabbaha Jones (Baxaalliga sheekada hoggaaminaya) ayaa is deldelaya, isaga oo ka tegaya bashaqad ay dusheeda ku qoran tahay “Ha furin kahor Noofambar 4, 10:13 PM.”   Isla maalintaas wiil yar ayaa ku lumaya meel u dhow godadka dahsoon ee magaalada. Inta wiilka yar la baadi goobayo maydad ayaa la heli doonaa, dad badanna way libdhi doonaan, inta ay booliisku isku dayayaan in ay xalliyaan dhibaatadan, taxanuhu waxa uu billaabayaa in uu waqtiga horay iyo gadaal ugu boodboodo(ugu socdaalo)

Tan iyo dhalashadii falsafadda wax is waydiintu seeska u tahay, aadanuhu wuxuu u geyllamayay in uu nuxurka iyo macanaha nolosha si qumman u fahmo, sida wax walba oo carro-edegtan uu ku dhaqan yahay xubinta ka ah ay u shaqeeyaan. Si uu libtaas u haleelo ayuuna gees walba ugu booday oo berriga iyo baddaba habeenno ugu guulay. Waxa ay hal-abuureen sheekaxiiro ciiddaas ka badan oo ay jirrid ugu dhigayaan dareemaha iyo si guud ummuuraha noloshooda saameeyaa kuwaas oo ay ugu horreeyaan waqtiga, dhimashada, qaddarka iqk, iyagoo abdanaya in ay gaari doonaan ogaal buuxa iyo rug duggaal ah oo ay inta derin ku fidsadaan ku negaadaan.

Haddaba, sheekada taxanaha Dark, oo dhab ahaan, ah mid aad u heesarraysa waxay si gudaballaaran u raadraacaysaa hayaanka aadanuhu fahanka nolosha ugu jiro, sida daran ee uu ugu mamanyahay maamulka/xakamaynta masiirkiisa, garashada wax walba, iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay bartaan in asalkaba aysan suuraggal ahayn in sahanka noloshan loogu jiro uu yahay mid aan laga guulgaari karin, wayxaalaha awooodeynna ka baxsanna mudan yihiin in xarigga loo sii daayo oo laga sii gudbo, xitaa haddii loo dhimanayo haddii kale wax kasta qas iyo qalalaalse aan soohidin lahayn ayay ku biyo shubanayaan.

Marka aan sheekada aad dhuuxno, baxaalliyada Dark waxaa dhaqaajinaya rabitaan qotodheer oo hadafkiisu yahay xakamaynta aayatiinkooda, garashada dahsoonaanta waqtiga iyo siraha nolosha, iyo iska caabbinta dhacdooyinka musiibada ku ah jiritaankooda. Rabitaankaasina waa waxa u horseedaya wareerka waqtiga iyo kadeedka nololeed. Filinku wuxuu soo bandhigayaa baahida loo qabo in tagtada iyo timaaddada wax laga beddelo lana xakameeyo ay muhim tahay laakiin ugu danbaynta ay dadka cawaaqib xumo gondaha u geli karto.

Dadku marka ay tagtadooda ku khafiifaan oo ay u qaadan waayaan in ay sidaas fudud ku dhaaftay weligeedna aysan soo noqonayn waxay mutaan rafaad soo noqnoqda. Jacaylka, murugada, shallaayga iyo aargoosiga ayaa inta badan ah waxyaabaha nagu qasba in aan har iyo habeen waqtiga tegay u baroordiiqnno. Sababtan darteed ayay baxaalliyada filinkani u gelayaan goobada rafaadka oo ay waqtiga iyo noloshaba ku dhex lunsan yihiin iyaga oo qaladaad iyo falal isku mid ah kusoo celcelinaya. Taxanuhu wuxuu iska daba wareegga dadku ku sugan yihiin iyo u kala gooshka waqtiyada kala duwan u adeegsanayaa calaamad muujinaysa waxtar la’aanta in dadku waqtiga tegay ku faruur xirnaado iskuna dayo in uu soo celiyo ama wax ka beddelo.

Gebaggabada wuxuu taxanuhu si weyn u adkaynayaa sida ay lamahuraanka u tahay in la barto fanka sii deynta si looga lug baxo wareerka lagu riiqmay joogtadana noqday. Goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen ayayna baxaalliyadu garwaaqsanayaan in ka fakashada geeriggo’anta ay ku dhex silceen ku xiran tahay in si dhab ah loo aqbalo lamahuraannimada khasaaraha nololeed, ka tanaasulidda rabitaanka xakamaynta waqtiga, iyo ku hirashada nafhurka iyo ka shaqeynta danta guud.

Filinku,  wuxuu fanka sii daynta, u sawirayaa billowga daqiiqadaha qotoda dheer ee xorriyadda iyo mabadda, burburinta goobo waqtiyeedka aan dhammaadka lahayn, iyo oggolaanshaha isbeddelka iyo bogaga cusub.

“Innaga ayaa mas’uul ka ah déjà vu-gan aan dhammaanayn …Waana ila innaga cidda soo afjaraysa.”

– Adam

Si kooban, Dark wuxuu lafaggurayaa doonista qotada dheer ee aadanaha taas oo ku aaddan xakamaynta waqtiga, ka hortagga khasaaraha nololeed ee nagu dhaca, iyo ku dhegganahaashaha waxyaabaha aan jecelnahay, isagoo marka dambe na baraya in neecowda nabaddu ay soo dhabanayso kolka aan aqbalno in rabitaannada la xiriira arrimaha aanan xakamayn karin (sida joojinta waqtiga, la dagaallanka qaddarka, u bararooshada waxyaabaha aan weynay) aan iska sii daynno si aan nolol macno leh ugu dhex heesno.

Halkan marka aan maraynno, waxaan dhihi karnaa: Dark kuma saabsana ku-safarka waqtiga sida dadku badi aamminsan yihiin, hase ahaatee, ku socdaalka waqtigu waa farsamo uu adgeesanayo in uu nagu tuso sida doonisteenna xad-dhaafka ah iyo isku dayga xakamaynta arrimaha aynaan maamulkooda gacanta ku hayn ay noogu hoggaamin doonaan jahawareer iyo ciriiri nololeed meerto ah. Qodobbadaas ayuu haddaba filinkani si guud uga warramayaa isaga oo ku soo gudbinaya habtebin qasan laakiin ay ka buuxaan wadahadallo hodon ah oo mid kastaba uu kugu riixayo in aad wax is waydiiso mararka qaarna shaki kugu abuurmo.

Wadahadalladu waa tiir sheekada dhadhan iyo qodnaan u yeela, filinkan ayaana innooga marag kacaya, oo waxaan ugu tegaynnaa wadahallo qofka ku kaxeeya in uu iska hilmaamo wareerka waqtiga, sidoo kale baxaalliyadu, iyaguna waa kuwo aad u diyaarsan, oo mid walbaba si fiican ayaa inta loo qoray lagu aaddiyay boos ku habboon.

Dhan kale, Dark kaliya caan kuma aha xabkada isku miliqsan iyo sheekatebinta anuugga ah, sidoo kale cinematography-giisa ayaa aad loo ammaanay weliba lagu tilmaamay mid ka mid ah taxananayaasha ugu cinematography-ga wanaagsan. Maadaama filinku baro waqtiyeed kala duwan ku saabsan yahay mid kasta waxaa lagu dheehay midab u gaar ah si loogu kala sooco. 2019 iyo 1989 oo ah barawaqtiyeedyada ugu muhimsan filinka mid walba waxaa lagu naqshadeeyay iftiin iyo muuqaal kan kale ka duwan.

Midabka madowguna waa kan filinka ugu badan ee loo adeegsaday maadaama uu nuxurka filinku meehanow iyo lunsanaan muujinayo, inkastoo midabka jaallahana aad loogu dhex isticmaalay weliba isaga oo qulqulka sheekada ku sidkan.

Mawduucyada uu Dark sida weyn u falanqaynayo waxaa

ka mid ah:

1- Dahsoonaanta Nolosha: Mid ka mid ah arrimaha uu Dark, sida soo jiidashada leh u baarayo waxa ugu horreeya sida dadku nolosha baaxaddeeda, waqtiga, qaddarka, iyo wax walba oo ku dhex jira uga dhoohan yihiin. Nolosha aan noolnahay billowgeeda ubucdeeda, dhammaadkeeda iyo macnaheedaba wax aan haba yaraatee ka ognahay in aysan jirin ayuu tilmaamayaa, aadanuhuna ka dhigan yahay qof habeen gudcur ah gudaya ama geeriggo’aan ku dhex lunsan, haddana waxa yaabka lihi waa in tani nagu riixayso in baadidoonka runta iyo xaqiiqada aan tebaynno faraska u jaraysanno. Oraahyadan hoose oo aan filinka ka soo qaaday ayaa muujinaya dahsoonaanta nolosha iyo sida dadku uga dhoohan yahay.

“Waxaad taqaan waa dhibic, waxa aadan aqoonna waa badweyn”

“Noloshu waa geeriggo’an (Maze). Qaar baa iska wareegaya ilaa geeridooda iyagoo raadinaya waddo ay kaga baxaan.”

–Adam (Jonas)

” Ma naqaan xitaa bar ka mid ah waxyaalaha qarsoon ee ifkan. Waxaan nahay kuwo mugdi ku dhex wareegaya”

“Noloshu waxay leedahay qaybo aan la garanayn kuwaas oo ka baxsan fahamkeena. Sidaas darteed, waxaan u aragnaa inay yihiin la yaab”

“Waxaa jira waxyaabo aan maskaxdeenna yar waligeed fahmi

doonin.”

–H.G. Tannhaus

2- Wanaag iyo Xumaan:  Madmadowga akhlaaqda iyo loollanka samaha iyo xumaha waa mawduuc taxanaha u muhim ah, oo filinka waan ku arkaynnaa baxaalliyo soo bandhigaya dabeecado wanaagsan iyo kuwa xun labadaba. Inkastoo taxanuhu ka fogaanayo in uu baxaalliyada u kala qaybiyo geesiyaal cadcad iyo xumaanfalayaal, taas beddelkeedana wuxuu golaha keenayaa baxaalliyaal kakan oo ficilladooda ay dabada ka riixayaan duruufo gaar ah.

3- Aqoonsiga iyo labaaleyda nolosha: Baxaalliyada Dark waxay inta badan la kulmayaan laba aqoonsi ama dhinacyada qarsoon ee nafahooda. Taxanuhu wuxuu lafaggurayaa mawduucyada is-helidda (Self-discovery) labaaleyda dabeecadda aadanaha, iyo foolsaabka dadku xirtaan si ay xaqiiqooyinkooda hoose adduunka iyo dadka kaleba uga qariyaan.

4- Iskuxirnaanta: Taxanuhu wuxuu xoogga saarayaa dabeecadaha isku xiran ee nolosha aadanaha. Baxaalliyadu waxay inta badan isugu xiran yihiin habab adag oo waqtiyo kala duwan ah, oo ficilladoodu waxay saamayn fog ku leeyihiin qofba qofka kale.

5- Hal-xiraalaha Waqtiga:

Waqtigu waa xujada ugu adag ee filinku sida qodan u gudagelayo, waana ubucda sheekada. Isaga oo adeegsanaya arrimaha mala-awaalka sayniska oo ay ku laran yihiin su’aalo falsafadeed qotodheer, “Dark” wuxuu abuurayaa sahan qani ah, soo jiidasho leh oo waqtiga ka dhigaya mid filinka udub dhexaad u ah. Haddaba filinka oo waqtiga jaraanjar ka dhiganaya wuxuu soo bandhigayaa su’aalo jiraaleed kakan, shaki gelin ah oo ku saabsan nolosha, dhimashada, iyo macnaha jiritaanka.

Billowga, Dark wuxuu soo jeedinayaa fekradda waqtigu in aysan ahayn cabbir toosan oo horay u qulqulaya (linear), sida aynnu dhammaanteen u haysanno, laakiin waa sida qool (loop) aan xad lahayn oo ku salaysan fekradda soo noq noqoshada weligeed ah (Eternal Return), taas oo Nietzsche (1882) adduunka galbeedka ku faafiyay asal ahaanna la xiriirta fekradaha iyo fahamka waqtiga ee xadaaradihii hore sida Masar, Hindiya iyo China. Sida aan filinka ku arkaynana 33-dii sanno kastaba waxaa dhaca dhacdooyin isku mid ah, sidoo kalena wixii 33-dii sano ee la soo dhaafay dhacay ayaa 33-da sano ee xigtana sidoodi u dhici doonaan.

“Ilaahay wax qorshe ah ma kama laha adduunka, wax qorshe ahina gabi ahaanba ma jiraan, oo aan fowdo ka ahayn, saxariir iyo fowdo.”

–Noah

Halkaanna waxaa ka dhalanaysa in waxa adduunka kala wadaba ay waqtiga yihiin, waqtiga ayaa ilaahay ah, intaas kaddibna waxa ay is waydiinayaan xor ma nahay?

6- Hirdanka Qaddarka iyo Doonista Xorta Ah: Dark wuxuu hoos u xulayaa xiisadda u dhaxaysa qaddarka kore iyo doonista xorta ah ee aadanaha. Baxaalliyadu waxay u halgamayaan sidii ay u hubsan lahaayeen in ficilladoodu ay yihiin kuwo horay loo qoray iyo inkale, sidoo kale waxa ay guluf aan dhammaan oo ay ku guulgaara is leeyihiin ugu jiraan ogaanshaha in ay awood u leeyihiin in ay wax ka beddeli karaan aayahooda (destinies) oo waxa ay isku dayayaan in ay gaari karaan ammin ay noqon karaan sayidka noloshooda iyo qaddarkoodaba.

Sidaas awgeed ka xarig furashada fekradda waxa laguu qaddaray iyo suurtagalnimada wax ka beddelka mustaqbalka waa qodob taxanaha aad ugu soo noqnoqonaya.

“Xor uma nihin waxa aan samayno, sababtoo ah xor uma nihin waxa aan rabno .”

— The Stranger

“Waxaan u aragnaa in ficiladeenu ay yihiin kuwo innaga noo gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, tani waa mid ka fog runta. Aakhirka waxa inna hoggaaminaya waa arrimo badan oo aan la garanayn, tusaale ahaan, duruufaheenna.”

–Noah

Su’aasha ugu weyn ee taxanuhu u dhabbagalayo in uu jawaab qumman u helo waa aadmigu doonis xor ah ma leeyahay mase wax kasta waa loo sii qoondeeyay? Halka baxaalliyaduna u dhaqmayaan in ay xor yihiin balse haddana qalbiga waxay dareemayaan in wax walba qaddarku calanka u sido. Ugu danbayn, Dark oo  ka duulaya adduunkan adag iskuna murugsan ee dadku ku noolyihiin wuxuu daawadayaasha u dhaafayaa in ay iyagu weeleeyaan in ay doonis xor ah oo dhammays ah ka jiri karto caalamkan wareerka iyo kadeedka badan oo ay waqtiga, duruufaha iyo xoogag kale ee qarsoon kuwaas oo qaddarku ugu horreeyo saamayn nagu leeyihiin?

Qoraalkan wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 3aad, Oktoobar, 2024).

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *