Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Curis > Faallooyin > The General (1926): Dhaxal shineemo

The General (1926): Dhaxal shineemo

Filinka Buster Keaton ee The General, oo soo baxay (1926) waa mid ka mid ah waxsoosaarrada aan marna la ilaawi doonin ee sooyaalka shineemada aamusan. Wuxuu ahaan doonaa mid ku sawiran maskaxda daawadayaasha madaama uu isku darsaday hab-tebin sheeko oo xirfadaysan iyo majaajillo muuqata. Keaton oo caan ku ahaa fool-tibaaxiisa cakiran iyo majaajilladiisa muddaysan ee aan ka hor dhacayn falka ayaa soo bandhigaya jilliin heer sare ah oo uu ku matalayo Johnnie Grey oo ah Ingineer waddo-tareen oo dhacaysa koonfurta muddooyinkii uu  Maraykanku ku jiray dagaalka sokeeye. Sheekada filinku waxay ku sii fidaysaa iskudhafka dhacdooyin xiiso badan iyo astaantii majaajillo ee Keaton, ilaa xaaladaha ugu halista badan ay noqdaan kuwa lagu qoslo.

Waxa u yeelaya The General soojiidashada waarta waa halabuurka iyo xirfadda uu Buster Keaton u lahaa majaajillada jirka ee aan u baahnayn in erayo daawadaha ka qosliya lagu hadlo. Keaton oo matalaya Johnnie Gray, ayay tareen ka dhacayaan basaasiinta Midowgu. Wuxuu inoo muujinayaa kartidiisa hibeed marka uu ka dhigo waxyaabaha caadiga ah iyo qaladaadka maalinlaha ah kuwo maad leh.

“The General” wuxuu xoogga saarayaa dhacdooyinka sooyaal iyo saamaynta lixaadka leh ee Buster Keaton ku yeeshay shineemada majaajillada. Filinka sheekadiisu waxay tebinaysaa waayihii dagaalkii sokeeye, filinku ma ahan mid loo sameeyay in uu keliya maddadaaliyo daawadaha ee sidoo kale wuxuu cod hoose ku dhaliilayaa fikradda geesinnimada iyo halyeynimada ee dagaalka. 

Dabciga Keaton, ee filinka bilowgiisa lagu soo bandhigayo waa mid fulay ah, laakin muuqaalba muuqaalka xiga wuxuu Keaton yeelanaya shakhsiyad halyey isagoo qaadanaya go’aanno adag iyo xeelado cajiib ah. Tusaalooyinkan oo dhan waxay ina tusayaan in filinku ka guda ballaaran yahay maddadaalo, balse sidoo kale waa bandhig farshaxaneed oo ku saabsan foolxumooyinka dagaalka iyo adkaysiga aadanaha.

Saamaynta waartay ee Keaton ku yeeshay shineemada majaajillada

Saamaynta Buster Keaton uu ku  yeeshay shineemada majaajillada waxay ahayd mid ka soo hormartay xilligeedii. Isticmaalka majaajillada muuqata ee jirka oo uu isagu dejiyay xeerarkeeda waxay noqon doontaa mid saamayn ku yeelata filinsameeyayaal badan iyo jiilasha dambe ee imaan doona.

Agaasimayaal ay ka mid yihiin Charlie Chaplin iyo Steven Spielberg ayaa ku maamuusay shaqada Keaton in ay ahayd isha ay ka heleen ilhaanka iyo dhiirrigalinta, iyaga oo bogaadinaya kartidiisa soojiidashada daawadayaasha isagoo keliya adeegsanaya sheekatebin aamusan.

“The General” waa dhaxal shineemo oo maguuraan ah ilaa iyo hadda, sababtoo ah wuxuu soo baxay xilligii uu halabuurka Buster Keaton joogay figta ugu sarraysa. Isticmaalka farshaxan ee majaajillada jirka, muuqaallada xiisaha iyo halista leh, iyo faallooyinka bulshada ee filinka dhexdiisa waxay ka dhigayaan mid soo jiita daawadayaasha, oo filinsameeyayaasha adduunkana dhiirrigaliya. 

(Qoraalkani wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 2aad, Sembteembar, 2024)

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *