Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Curis > Faallooyin > Nocturnal Animals (2016)

Nocturnal Animals (2016)

Waa filin fudud. Filin kaaga tegaya su’aalo badan. Filin aad u qurux badan laakiinse ay tahay in aadan filasho aad u sarraysa ku daawan. Ma aha filinkii ugu wanaagsanaa ee sanadkaas 2016 la soo saaray, balse waa mid ka mid ah qaarka ugu xiisaha badan ee sanadkaas soo baxay. Waa sheeko sheeko kale ku dhex jirta, adiga oo sheekada filinka la haysta ayaa mid kale ku dhex furmi doontaa, waxa xiisaha lehna waa sida labada sheeko la isugu miisaamayo, iyo sida la isula xiriirinayo.

Amy Adams, oo filinka ku metelaysa (Susan) waa mulkiilaha goob farshaxaneed (Art gallery) oo magaalada Los Angeles ku taal. Dhaqanka bulsho walba wax buu ammaanaa oo ku sheegaa heerka ugu sarraysa ee guusha amase nolol qurux badan, Susan waxa ay xaqiisay wax walba oo dhaqankeedu ku qeexay nolol sarraysa iyo qof guuleystay oo waa haweeney hodon ah, islamarkaana noqotay qofkii ay bulshadeedu rabtay; si kastaba ha ahaatee, noloshaas dhaldhalaalka ahi wax dhadhan ah uma laha, had iyo jeerna, waxa u egtahay qof quus ah, oo nolosheedu maran tahay. Susan waxa ay is qabaan Hudson oo ah nin socdaal badan, waxa ayna ka war helaysaa in uu khiyaameynayo.

Maalin maalmaha ka mid ah iyada oo goobta shaqadeeda joogta ayaa waxaa soo gaaraya qoraal-gacmeed (manuscript) uu qoray ninkeedii hore oo ay labaatan sano ka hor ka tagtay, waxa uuna ka dalbanayaa bal in ay akhriso oo fekerkeeda ka dhiibato. Filinka inta ugu badan Susan buuggan ayay akhrin doontaa, waxa ayna la noqonaysaa in sheekada buuggu ay ku saabsan tahay amase si uun ugu lifaaqan tahay nolosheedi hore oo ay Edward– ninka hadda buuggan qoray la wadaagtay, taasina waa waxa ku sii riixi doona in ay sheekadan oo ah mid madow (dark) oo horor ah ay akhriskeeda sii waddo. Tony, oo ah jilaaga sheekada ay akhrinayso Susan waxa ay u aragtaa in uu Edward yahay oo dhan walba qaboobida iyo itaaldarradaba way iska shabbahaan, sidoo kale intii ay Edward wada joogeen ayuu maalin u sheegay in qoraa kasta uu qoro wax taariikhnololeedkiisa la xiriira.

Filinku waa sheeko sheeko kale lagu sii dhex gudbinayo laakiin labada sheeko waa ay is kabayaan oo sheekada dhexda ahi waa mid loogu talagalay in ay cawar(reflection) u noqoto labada shakhsiyadood. Inta ay sheekada akhrinayso waxa aan wax ka ogaaneynaa sida ay nolosheedi hore iyo guurka ay Edward la soo wadaagtay ahaayeen, qaabkii ay isku barteen iyo sida uu jacaylkooda oo markii dambe dhanka Susan qorraxdiisu ka dhacday ku billowday. Waxa aan arkaynaa Susan hooyadeed oo uga digaysa in ay Edward guursato waayo ma lahan hammi nololeed shidaaliya. Laakiin Susan way ka biyadiidaysaa waayo Edward aqoon hore oo illaa carruurnimadi ah yaa ka dhexaysa, waana nin jecel in uu qoraa noqdo. Waxa aan si fiican u baranaynaa shakhsiyadda qof walba iyo sida uu yahay.

Haddaba, sheekadaas qoraal-gacmeedka ah oo bogga ugu horreeya Susan magaceedu ku daabcan yahay waxa ay u adeegaysaa sidii matalaad sarbeeb ah oo ah dareenka Edward iyo aargoosi Susan ku aaddan.   Tony Hastings, oo ah jilaaga sheekadu waxa uu la kulmayaa dhibaato aad u xun, rag ayaa inta waddada ku qabsada naagtiisa iyo gabadhiisa ka dilaya.  Marka aad loogu fiirsado sheekadan mala-awaalka ah waxay barbar socotaa xanuunkii nolosha dhabta ahaa ee Edward iyo khiyaamadii ay Susan kula kacday markii ay ka tagtay, ilmahoodi uurka ugu jiray soo ridday, gabadhii weynaydna ka qaadatay.

Sababta uu hadda buuggan ugu soo diraynna waxa ay tahay in uu ka cadgoosto, laakiin waxa yaabka leh ayaa ah in Edward aargoosigiisu uusan ahayn mid jireed, waa mid nafsi ah wuuna ku guulaysanayaa. Sheekadu waxa ay Susan ku qasabtay in ay hor istaagto falalkeedii hore iyo saamaynti shucuureed ee ay ku yeesheen isaga, waxa ayna ku kexaynaysaa inay dib u milicsato cawaaqibka doorashadeeda nololeed weliba iyada oo markaan garowsan in ay Edward si xun ula dhaqantay. Susan marka ay buugga bashqadiisa furayso dhaawac ayaa gaaraya, sidoo kale mar iyada oo meesha shaqadeeda ee Farshaxanka dhex soconaysa ayay arkaysaa sawir ay ku qoran tahay “Aargoosi” dhanka kale inta ay bogaggin qoraal-gacmeedka rogrogayso iyadana nolosheedu way is rogaysaa oo adduun araggeeda wax badan ayaa iska beddelay arrimahan oo dhammina waxa ay muujinayaan in aargdushada Edward hirgashay kolkanna ay siriqda nabsiga ku soo dhacday dhacday.

Filinku waxa uu ka dhammaanayaa muuqaal su’aal dhalinaya. Susan marka ay akhriska sheekada dhammayso waxa ay Edward u diraysaa farriin ay kaga dalbanayso in ay wada casheeyaan, Edward waxa uu ugu jawaabayaa “Ii tilmaam wakhtiga iyo goobta, waan imaanayaa.” Susan si qurux badan ayay u soo lebbisanaysaa, iyada oo u eg in buuggii ay akhrisay uu nolosheeda dib u cusbooneysiiyay, maqaayaddi ayay imaanaysaa miis ayay fadhiisanaysaa laakiin Edward ma iman doono, way sugaysa…sugaysaa illaa ay kaligeed maqaayadda ku soo harto.

Saddex daadihineed (narrative) ayuu filinku si toolmoon isugu dhex wadaa. Noloshi hore ee Susan oo cawar ah (reflections) sheekada ay hadda akhrinayso, iyo nolosha ay hadda ku nooshahay oo saddexduba is dhammeestirayaan.

Nocturnal Animals waa filin si wanaagsan loo jilay, Tom Ford ayaa agaasimay waana filinkiisi labaad kaddib “A single man” oo uu 2009-ki soo daayay. Jilliinka labada jilaa ee Jake Gyllenhaal, iyo Amy Adms ayaa ah waxa filinka quruxda u yeelaya marna dareenka u yeelaya. Waa filin wada summado (symbols) ah inta aad fahantay iyo inta iska muuqata waxaa ka sii badan inta dahsoon iyo tafaasiisha ay tahay in aad u fiirsato kuwaas oo ku milan midabbada walxaha soo noqnonaya, farshaxamada iyo kalaguurka (transition) muuqaallada (scenes) u dhexeeya.

(Qoraalkani wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 1aad, Agoosto, 2024)

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *