Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Curis > Faallooyin > Night on Earth (1991)

Night on Earth (1991)

Daraama-maadeed.

Hordhac.

Waxsoosaarkaan (Night on Earth) waxa uu soo shaaxbaxay billowgii sagaashamaadkii, waxaanna qoray oo agaasimay daraama-maadeeddaan agaasime Jim Jarmusch. Tabtiisii iyo farshaxankiisii fududaa ee lagu soohayay u kuurgalidda nolosha ayuu u agaasimay waxqabadkaan. Tayadiisii golamuujinta, qaabayntiisii muuqshineemadana wuu adeegsanayaa si uu u dhiso una muujiyo tabtiisii gaarka ah ee sheekatabinta iyo hal’abuurka. Agaasime Jim Jarmusch waxa uu sheekada filinkaan ku qoray siddeed maalmood, doorashada ah in golatusyada iyo sheekaduna ka soo muuqdaan shan magaallo waxaa saldhig u ahayd in jilaayaasha uu rabay inay ka la qayb qaataan filinka ay ka la joogeen magaalooyinkaas se si tartiib ah ayuu sheeko kasta u geeyay magaalooyinka ay joogaan jilaayaasha.

Filinkaani waa kiisii shanaad ee uu soo saaray agaasime Jim Jarmusch, haddana daraamadaan lagu ladhay maadda waxay si qunyarsocdnimo farshaxamaysan ah u darsaysaa socdaalka nolosha, sida oo kale waxay soo bandhigaysaa dabeecadaha shakhsiyadaha iyo hirdanka nolosha. Farshaxanka iyo quruxda gaarka ah ee filinkaani waxa uu waxbadan la wadaagayaa isla filinka kale ee uu agaasimay agaasimuhu (Coffee and Cigarettes). Waxay wadaagaan habka dhacdooyinka loo dooranaayo sida: in dhacdooyinka oo dhammi quseeyaan sheekooyin soo bandhigaayo waxyaabo gaar ah (Kafee ama Taksiilayaal), goor ama goob gooni ah ayay waxkasta dhacayaan sida: in dhacdooyinka filinkaanni dhacayaan habeen oo qudha oo aannu daawaduhu maalin indhaha saaraynin, isla sida filinka (Coffee and cigarettes) loo doortay in sheekada lagu soo bandhigo miiska lagu qaxwaynaayo ee sigaarkana lagu qiiqinaayo. 

Shubaalka & Nuxurka sheekada.

Sheekada filinku waxay si qunyarsocodnimo ah u tabinaysaa shan taksiilayaal ah oo shan magaalo (Los Angeles, New York, Paris, Roma iyo Helsinki) ku ka la nool iyo wadasheekaysi dhexmaraayo iyaga iyo rikaabkooda. Kolka hore filinku waxa uu soo bandhigayaa qaab nololeedka taksiilayaasha, shakhsiyad kasta kolka la ibbafuro golatuskeeda waxaa laga dhex arkayaa sheeko iyada u gaar ah. Taksiile kasta iyo magaalo kasta waxaa la soo bandhigayaa sheekada habeenkaasi qabsanayso, wadasheekaysiga dhexmaraayo darawalka iyo rikaabkiisa—iyada oo ay sheeko kasta ka duwan tahay sheekada kale ee isla habeenkaas dhexmarayso darawalka iyo rikaabkiisa.

Kolka la ibbafuro golatuska Los Angeles ee lagu soo bandhigaayo sheekada taksiilaha koowaad ee habeenka waxaa laga dhex arkayaa gabadha taksiilaha ah sida ay u tahay shakhsiyad iskoris ah misana ku dheggan shaqadeeda—oo ay xitaa iskaga diidayso fursad ay ku noqon karto jilaayad heer sare ah. Rikaab ahaan waxaa u raacayso islaan ka shaqayso Castin-ka (indha-indhaynta jilaayaasha) waxaanna dhexmarayso wadasheekaysi qoddadheer iyada oo ay islaantu la yaabayso gabadha habeenka ku shaqaynayso taksiga ee haddana kalisocodka ah. Isla Ameerika inta la joogo waxaa la ibbafurayaa golatuska New York, taksiiluhuna waxa uu noqonayaa oday Jarmal oo aan aqoon wanaagsan u lahayn afka, magaaladana ku cusub oo aan si wanaagsan u aqoonin xirfadda kaxaynta taksiga. Waxa uu la kulmayaa madow-Ameerikaan waayay taksi waa uunna qaadayaa, waxaanna dhexmarayso sheeko qoys oo aad uga duwan sheekadii degganayd ee hore. Marka la tago Paris, oo la ibbafuro golatuska habeenka qaybtiisa dhexe waxaa uu taksiiluhu kolka hore ka soo muuqanayaa muuqa hore (first sciene) isaga oo rikaab ahaan u wado safiirro Kaamiruun u dhashay. Way ku dul kaftamayaan, waxaynna ugu faanayaan masuuliyadda ay hayaan, ka dibna waxa uu go’aan ku gaarayaa in uu iska dajiyo. Waxa uu soo qaadayaa gabadh indhool ah oo uu la yaabayaa ukaadsigeeda, iyo ilbaxnimada dabacsan ee ka muuqato—sheeko degganna wuu la wadaagayaa. Laba golatus ee danbe waa kuwa maad miidhan ah, waliba marka ay sheekadu joogto Rooma, iyo kolka danbe ee habeenka oo lagu soo afmeeraayo socodkii caasimadda Finland.

Nuxurka daraama-maadeeddaan kolka aan duljoogsado waxaa lagu koobi karaa: safar shan magaalo ah oo si dabacsan misana maad leh loogu soo bandhigaayo sheekooyin macno badan xambaarsan. Dabcan waa suuragal in daraama-maadeeddaani u muuqato mid aan xammaasad badan lahayn kolka lagu eego indhaha mucaashiqiinta aflaanta xiisad abuurka ah, haddana iyada oo ay sidaas tahay filinka inta la daawanaayo waxaa indhaha la la raacayaa habnololeedka taksiilayaasha, dabeecadaha dadkanna wuu darsayaa sida oo kale waxaan la qaybsanaynaa habeenka bulshada shantaas magaalo gaar ahaan taksiilayaasha iyo rikaabyada goorta danbe dhex socdaallo magaalooyinka.

Aan soo afmeero faallada e waxaa u kuurgal u baahan aflaanta uu agaasimo agaasime Jim Jarmusch, gaar ahaan waxay u baahan yihiin in indhaquraansho loogu kuurgalo si loo helo macnaha ay darsayaan iyo farshaxannada ay soo bandhigayaan. Filinkaan soo bandhigaayo sheekada habeen kaliya iyo golatusyada taksiilayaasha, darsaayo dabeecadaha aadamiga ah, misana si farshaxannimo leh u soo bandhigaayo daraama-maadeedda waa aflaanta ay ruuxdu ku nasato oo xuusuustana ku reebo dhacdooyin fudud misana maguuraan ah. Waa u safridda magaalooyin, daraasaynta insaanka iyo dabeecadihii. Filinkuna waxa uu hantay dhow abaaalmarinno iyo magaacibis sharafeedda masraxyada waawayn ee shineemada—wallow aannu Oskarka ka helin mudnaan sare haddana ruuxda daawadayaasha ayaa ku nasanayso oo ku dagayso.

(Qoraalkani wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 3aad, Oktoobar, 2024)

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *