Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Curis > Faallooyin > Goodbye Julia (2023)

Goodbye Julia (2023)

KALAHAAD

Saaxiib Shineemada aad daacad ugu ah, oo aan u dabafadhisto, ayaannu saddex bilood ka hor ku la kulanay Nayroobi, judhii aannu isu nimid ee wada bunaynayba waxa aannu ka sheekaysannay, si guud, fanka, oo shineemada, si gaar ah, xoogga u saarnay. Saa waxa uu maalmahaasba  igu taabtay war farxad leh oo ah in dhammaadka bisha Luulyo iyo illaa horraanta bisha Ogosto, ee 2024, in magaaladan kow iyo labaatan fannaan oo Soodaani ahi ku qabanayaan bandhig ay u bixiyeen Dib-u-dejin (The Rest, الإعادة), kalkiisii labaad, oo ay ku soo bandhigayaan dhukmenteriyo, sawirro, farshaxanno, muusig, suugaan iyo dhaqan ay uga gol leeyihiin in ay ku muujiyaan aragtidooda ku aaddan dagaalka Soodaan ee dabadheeraaday ee ka soo qixiyay dalkoodii  iyo sdaadaalin ay ku  sameenayaa aayaha danbe.

Ballantii la gaadh, oo isla toddobaadkii uu socday bandhiggu, siiba galabtii la daawanayay dhukmentariyada iyo filimada ay fannaaniinta qaar falkiyeen ee kala ah “Voices of the Birds”, oo uu agaasimay Maxamed Faarax “Aflam Sudan Fest”, oo uu agasimay Ibraahin’ ‘Snoopy’ “Out of Service”, oo ay agaasintay Raawiya Xaaji  iyo “Is it War?”, oo uu agaasimay Taymiya Maxamed ayuu Daa’uud, saaxiibkii Shineemada daacadda u ahaa, daqiiqaddii aannu hoolkii Circle Art Gallery ee lagu daawanayay dhugmentariyada ka soo dhammaanay ee bannaanka u soo baxnay, si kedis ah ii waydiiyay: “Qoftaasi miyaanay Muna ahayn?” inta uu si yar oo reer magaalnnimo leh iigu ishaaray qofta uu ujeedo, dabadeed waa xigtay aniga oo ugu jawaabay, “Muna waa tuma?” Inta uu yaabay oo isoo eegay ayuu haddana waydiin kale igu ekeeyey: “Miyaadan ‘Goodbye Julia’ daawan?” Saan ku idhi, “Maya, saaxiib.” Intaa ka dib waxa u la soo baxay taleefankiisii oo markiiba waaxa uu galay, sidii caadada u ahayd kolka uu filin igu cusub i barayo,  IMDb oo inta uu magaca filinkaa ku qoray i tusay… Halkaasaanu iska baranay filinkan aan hoos ku faallanayo…

***

Dareen taxan bay lahayd,


Wixii dumay bay lahayd!

-Hadraawi: Dabahuwan, 1995

In uu ahaa dhammaad foolxun, oo cabsi iyo walbahaar badan, laxanka qoomamadu qanjaha joogto iyo luuqda murugadu hadhaysay ee ay Muna (Eiman Yousif) ku qadayso heesta filinka soo afmeeraysa ee “قل لي كيف؟” iyo meeriskeeda koowaad ee ah, macne ahaan,

“Waxa gidigeen ina cabsi geliya bilawgu waa in aynnu maalin uun arki doono dhammaadka.”

Ayaa marag u ah in uu ahaa dhammaad baqdin badan oo bilawgiiba la sii filanayay, kaas oo aan badi farax gelinayn qaar ka mid ah daawadayaasha. Waa Juuliya (Siran Riak) oo dooni webigii Niilka la sii dhex gooshayso oo indhaha ku sii biniininaysa Kharduumtii ay ku barbaartay, waxa ku baratay ee ay cunugeedii Daneil ku dihatay, nasiibwanaag se aynnu odhan karno, ugu yaraan, markan siliskeedii carrabkiisu ahaa Macatabka waxa uu si xorriad leh uga lushaa laabteeda oo waxa ay hadba cagaha Masiixi cidhbinayaan kalxamaheeda u dhalaalaya sidii shamac, sidoo kale timaheedii ay malkhamadda ku cabudhin jirtay iyada oo jumhuurkii Islaamiga ahaa ee ay a noolayd raalligelinaysa, waxa ay iminka si xorriyad leh ugu dhex dheelayaan hirarka hawada; Muna oo masrixii ay dhuumashada iyo iyada oo jilbaabkii Islaamiga ahaa ee Shiikh Albaani toban shardi u dhigay ku jufan kaga heesi jirtay, iyana markan si xorriyad iyo bilaa cabsi ah ayay ugaga heesaysa iyada oo sidata dhar cimilada Soodaan ku habboon in lagaga caymado iyo timaheedii qurxoonaa oo laydhu hadba dhan u wadhfinayso, oo aad moodo in ay jiibta Tariq (Niile Mowia Khalid) ee heestaa kore hal mar la jaanqaadayaan.

Laba saacadood oo gaw ah ayaanad dareemayn in aad soo daawatay filinkan marka ay heestaasi dareen murugo iyo qiraal ah ku gelinayso, oo hal mar baa laga yaabaa in ay ku illawsiiso wixii mawaadiic qiima badnaa ee kakanaa ee filinku isku dayay in uu tooshka ku ifiyo. Runtii soosaaraha filinkan, Maxamed Kordofaani, oo ah qoraa, agaasime iyo filinsameeye ka mid ah foolaadka fannaaniinta Soodaan, si gaar ahna shineemada, waxa uu waxqabadkan ku muujinayaa codad badan oo la moodayay in ay ku dhex shiiqmeen dagaaladii sokeeye ee labada kornayl ee Xamiti iyo Burhaan gadhwadeenka ka ahaayeen in uu qarxo, isla markaana dalwaynihii Soodaan galaaftay ee gelelefay; oo qaxii, macaluushii iyo kalahaadkii ka danbeeyey ee ay ilaa hadda bulshawayntii reer Soodaan danbarsanayso cidhibdabaydkiisii, kuwaas oo dhammaantood haddii fiiro gaar ah loo yeelan lahaa kal hore, aan isleeyahay waxbay ka tari lahayd in hadda tillaabooyin togan hore loo qaado oo si uun loo baajiyo maxsuulka maanta la hayo.

Kardafooni waxa uu bilawga hore ee filinkaba ina tusayaa halka Kalahaadkan Soodaan wajigiisa labaad ka soo bilaabmay, oo ah rubuc qarni ka hor iyo dibedbaxyadii dadka reer Koonfur Soodaan iyo doonisoodii goonigoosadnnimo, si uu taa inoo tuso baan is-idhi, waa sababta uu qoyska Akram iyo Muna iyo reero kale oo ladan oo ka mid ah dadka xukunkii Soodaan ku macaashay u dejiyay xaafadaha dadka Naylootiga ah ee reer Koonfur Soodaan ee u mudaharaadaya doonistoodaa goonigoosadnnimo, si uu halkaa uga dhaliyo taxane dhacdooyin ah oo soo dedejinayay in ay midhadhasho donista dadkaas.

Haa, waxa uu Kordafaani u adeegsanayaa jilayaasha filinkan, kuwaas oo nafsad ahaan, doonis ahaan, diin ahaan, dhaqan ahaan iyo isir ahaanba kala jaad ah, si uu inoogu sawiro inta uu baac leeg yahay loollanka reer Soodaan iyo figtiisa u sarraysa oo ah dano siyaasadeed, taas oo hore u salbatay malaayiin qof, oo in kalena u qixisay, ugu danbayna ku danbaysay afti dadwayne iyo in Koonfurta Soodaan ka go’do inteedii kale—iminkana aynu  arkayno malaayiinta kale ee qaxday, tobannaanka kun ee ku nafwaayay iyo tira kale oo aan qiyaas sax ah lagu hayn oo macaluul wajayaha oo, mar kale, ay sababteeda leedahay dano siyaasadeed oo rubuc qarni ka dib taa hore la mid ah.

Dhanka kale, iyada oo ay waxaas oo foolxumo iyo arxandarro ahi jirto, oo ay u sii dheer tahay tobaneeyo sano iyo ka badan oo Xukunkii Islaamiga ahaa ee Soodaan uu jaray buundadii jumhuurka iyo fanka shineemda isu haysay, waxa uu Kordafaan isku dayayaa in uu muuqaalo dhawr ah innagu tuso kaladuwanaashihii faneed ee nolosha reer Soodaan: muslimiin iyo masiixiyiin, madaw iyo maarriin, wadaad iyo waranle, caadooyin, dhaqan iyo weliba fan, nooc uu yahayba.  Waa Muna oo dheesha Soodaanida reer Waqooyi gurigeeda ku dhex  baraysa Juuliya iyo, dhanka kale, Juuliya oo Muni kolka ay kiniisadda ugu timaaddo tusaysa muusiga iyo heesaha dhaqan ee Kiniisadda, kana codsanaysa codkeeda macaan in ay rooxaaniyadda meesha taalla ku sii bisho.

Kol kale, waxa uu Kordafaani isku deyayaa in uu qiimaha xorriyadda (oo aan isleeyahay waaba qodobka ugu wayn ee gayaysiisay in uu filinku ku guulaysto Abaalmarinta Xorriyadda ee Bandhigga Kaan iyo kuwa kale), is-aqbalaadda iyo quruxda iyo qaayaha ay leedahay kaladuwanaantu ina xasuusiya, oo waxa uu xidhiidh saaxiibtnnimo ka dhexaysiinayaa oo dhagar ku bilaabmaya, dhabna ku dhammaanaya Akram iyo Daaniyeel, iyo Muna iyo Juuliya, kaas oo ay ku sii jiraan wadasheekaysiyo isnaqdin iyo iswaafaqid ah, sida ka dhex maraya Akram iyo xaaskiisa Muna ee ku saabsan masa’alada cubuudiyada iyo mawqifka ilameeraysada ah ee diinta Islaamku taagan tahay.

Waxa iyana xusid mudan in xidhiidhka uu ka dhexaysiiyay Muna iyo Juuliya, oo ah mdi kakan oo dhawr siba loo akhrin karo, in wax yaabaha uu lafdhabarka uga dhigay ay ka mid tahay in uu rejo wayn ugu abuuro Juuliya heestii Sayid Khaliifa—oo ay markan masraxa kiniisadda cod hallaasi ah kaga luuqaynayso Muna— ee ahayd “Deriskayga ayuu ahaa ana waxa aan ahaa deriskiisa/Waxa uu ii ahaa guri aan ku arooro/Waxa aan u abdaynayaa janno, aniga oo ku gubanaya naartiisa/Jaalihii qalbigayga iigu dhawaa waxa uu igu xooray gudcur” oo uu kaga khafiifinayo culaysyadii ay la daalaadhacaysay ee dhaqaale, fuqdaan, cunsuriyad iyo musuqmaasuq ah. 

Meelo badan oo kale waxa uu Kordafaani, isaga oo inoo soo dhex maraya Akram, ina tusayaa cawaaqibta laga dhaxlo takoorka, isnaca, isliididda, hosisudhigidda, iyo isquudhsiga taas oo ah in uu hubsiimo la’aan nafta dhaafiyo Santiino (Poulino Vicor Boy) oo aabbe dhiban ah, isla markaana cunugii yaraa ee Daaniyeel ku danbeeyo in uu rayidnnimadiisii (baraa’adiisii) dhalaannimo lumiyo oo carruurnimo ku qaato qori. Sidoo kale, waxa uu muujinayaa in ay taasi tahay wax dadka qaar, oo mujtamaca ka mid ah, sida Muna,  ku riixa—iyaga oo aan rabin—isdiiddo, lababoglay, been, xanuuno nafsadeed iyo munaafaqad. Ugu danbayn waxa uu soosaaraha filinkani, si doqonimagarawdo ah, inoo  tusayaa in fan, jacayl, xorriyad iyo wadanoolaasho kastabaa ku tolan yahay siyaasad nabdoon oo deggan, maamul xilkas ah oo hufan, Dimuqraadiyad, iyo amniqaran oo xigmad lagu ilaaliyay, taas oo aynnu u fahmi karno in halkaa CADDAALADDU ka dhalato oo ay meesha ka saarto dulmi ay iskaga kacaan koox tira yar oo askar iyo ganacsato u badan (waxa tusaalahaa u taagan baan isleeyahay dabaqadda lacagta leh ee Akram iyo saaxiibkii Bakri) kuwaas oo ku itaalsada qoysaska masaakiinta ah (waxa tusaalahaa u taagan baan isleeyahay Juuliya iyo qoyskeeda looma’ooyaanka noqonaya e), isla jeerkaana la waayo kaalintii indheergaraka, aqoonyahanka iyo waxgaradka (waxa tusaalahaa u taagan baan si leeyahay Muna e) oo taa beddelkeeda aamus dheer galaan oo dano shakhsi ah eegtaan ilaa inta xeedho iyo fandhaal kala dhacayaan. Horta waxa iswaydiin leh, Muna oo aynnu tusaalaha Indheergaradka raacinay, sababo dhawr ah oo aad filinka ka ogaan karto,  ujeedada ka danbaysa in ay oori u noqoto Akram oo aynnu tusaalaha eexda iyo amarkutaaglaynta awoodda dawladnnimo raacinay. Waydiintaa filinku kama jawaabayo.

Marka aynnu intaas oo mawduuc iyo kuwa kale oo aan ka tegay eegno, oo weliba marar badan cufan oo kakan, waxa inoo soo baxaysa in uu waxsoosaarkani ka soo baxay waajibkii ugu waynaa ee uu shineemada ku qiimayn jiray Roland Bathes kolka uu leeyahay, hadal aynnu u turjumi karno, “Shineemadu, dabci ahaan, waa fanwadareed, qaab ahaan iyo maxsuul ahaanba, ay tahay kaalintiisa bandhig in ay metesho fagaag isbeddel oo koox isu timi ku wadaagayso lagaamaarmaannimada waaqic, kaas oo ay u soo bandhigayaan sawir faneed iyo hal’abuur cusub oo maqalmuuqaal ah; ilbidhiqsiga aad ka so baxdo dunidaa shineemada ee aad u soo laabato taaganta dhabta ahna ay la mid u noqoto, sidii oo aadan labada caalam wax isbeddel ah oo wayn aadan ugu dareemayn,” ama uu si aad u waafisan oo taa hore uga  ka fudud uu Stanley Kubick ugu qeexay kolkii uu yidhi,

“Fanku [oo shineemaduna soo galayso, maadaama oo uu isagu filinagaasime iyo filinqoreba ahaa] waa qaabaynta waaqaca kugu xeeran ee ma ah abuurista waaqac cusub.”

Labadaa hore haddii ay fahankeedu kugu adkaadaana, aynu odhaahda Niitshe ku gaabsano: “In uu caalamka dhabta ah u rogo sheeko.”

Hal aan is-odhan karo waa dhaliil, dhankayga, ayaan u hayaa filinkan oo ah in siinka sawirkiisana laga dhigay boostarka filinka, ee ah kolka ay Muna waydiiso Juuliya sida ay ku ogaatay in ay iyagu dileen ninkeedii Santiino dabadeed uga jawaabto, ka dibna qirasho iyo firdabax ay wada galaan, jeer ay Muna dhabkeeda saarto dhabta Juuliya, waxa daqiiqadaas aan sugayay in ay labaduba ooyaan—ugu yaraan haddii ay ooyi kari waayaanna ay ilmeeyaan. Taasi ma dhicin, oo aamus dheer oo bilaa shucuur oohin ah baa lagu dhaafay. Dib baan se ka ogaaday in ay labadoodaba tahay jiliddoodii ugu horraysay ee ay sameeyaan, iyo, si gaar ah, Juuliya oo mar weriye u shaqeeya Monte Carlo Douliya waydiisay waaya’aragnimadeeda jilliin ee filinkan ku jawaabaysa in ay ku faruryaxidhnayd dhankaas iyo faashyoonka oo wax yaabihii ku adkaa intii ay metelaadda filinkan ku jirtay ay ka mid ahayd jilidda dareemada dabasan ee loga baahnaa qof barii ah, tabta shakhsiyadda Juuliya oo kale.

Ugu danbay, filinku inta uu fan aad u heersarreeya oo wadasheekaysiyadiisaa loo qoray iyo tabta qurxoon ee muuqaaladaas loo qabtay yahay waxa ka badan inta uu yahay soo gudbinta sooyaal, loollan siyaasadeed, mid dhaqan, iyo mid diineed, oo uu u meerinayo sida uu u arko.

***

Aan ku soo noqdo sheekada saaxiibkii filinkan i baray e, kolkii uu i tusay filinkan ee aan hoosta ka xarriiqaday, kuna darsaday liiska filimada aan daawan doono, waxa aan maalinkii labaad ee bandhigaas nasiib u yeeshay in aan toos u dhegaysto/daawado heeso dhawr ah oo uu muusig toos ah ku qaadayo Niile Mowia Khalid (jlaagii filinka ku metelayay Taariq) iyo koox kale oo isugu jira Bunk muusig, kuwo dhaqankii iyo hiddihii Soodaanida ka turjumaya iyo kuwa cusuba. Waxa aan ka xusi karaa heesihii uu habeenkaa codka daltabyada iyo dareentaabadka lahaa ee uu nooqaaday Niile, heestii Sayid Khaliifa ee ahayd

 “Maalmuhu waxa ay ahaayeen, Dalkaygiyoow,

 Qaar riyooyinkoodu wacan yihiin, Dalkaygiiyoow,

 Oo aan xasuusanayo waagii aan jiinka Niil joogay, Gacalisadayduna dheegga igu haysa ee ay qurxoonayd..”

Nasiibwanaag iyo nasiibxumo mid ay tahan garan maayo e, habeenkaa Muna noo ma ay heesin, indhana ma saarin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *