Shineemo Banaadir

Blog Post

Shineemo Banaadir > Curis > Curisyo > Masraxa iyo shineemada Afrika:Taariikhayn iyo dulmar.

Masraxa iyo shineemada Afrika:Taariikhayn iyo dulmar.

Hordhac iyo taariikhayn.

Afrika, waxay lee dahay bulsho Afrikaan ah oo leh sooyaal durugsan, farshaxanno indhaqabad ah, middabbayn asal ah iyo dhaqamo guun ah. Bulshada intaas oo dhan leh ayuu fan ka soo dhex iftiimay oo ay yeelatay hiboolayaal lama’illaawaan ah haddii ay dhinac muusig, dhaqan, suugaan (tix iyo tiraab) iyo shineemo tahayba, hiboolayaasha faneed hoygoodu waxa uu ahaa tagtadii masraxa, gooraha casriga ahna waxaa wixii oo dhan isku fuuqsaday shineemada, maxaa yeelay saacad kaliya ayay soo bandhigaysaa; nolol, dhaqan, caadooyin, midabbo, farshaxanno iyo dhacdooyin. Masraxa iyo shineemada Afrika, in kasta oo ay isku xidhan yihiin, waxay la gola yimaadaan kaladuwanaansho ku aaddan tibaaxidda faneed;haddana iyadoo taasi jirto waa kuwo isdhammaystiraayo. Labada dhinacba waxay ka turjumayaan hiddaha dhaqan ee hodanka ah ee uu Afrikaanku lee yahay, sawiridda caadooyinka bulshada, dhaqdhaqaaqa bulshada, iyo xaqiiqooyinka siyaasadeed ee qaaradda Afrika. Laga soo billaabo dhaqamadii hore ilaa soo saarista filimada casriga ah, labada dhinacba farshaxankoodu wuxuu ahaa qalab iyo mikrafoon awood badan oo loogu talagalay in uu tabiyo sheeko, sawiro bulshada, iyo sida oo kale in lagu ilaaliyo dhaqanka.

Qormadani waxay si qoto-dheer uga hadlaysaa: taariikhayn kooban, matalaadda masraxa iyo shineemada ee dhaqameed, dhaqdhaqaaqyada bulsho, mowduucyada siyaasadda iyo taswiirta kacaannada iyo sida masraxa iyo shineemada Afrika looga dhadhansan karo siday arrimahaas uga hadlaan oo kaladuwnaanshahooda looga arkaayo.

Sooyaalayn kooban;

Masraxu waa ka curadsan yahay shineemada, waa hoygii koowaad ee uu aadanaha dhammaantii isugu keenayay ilbaxnimadiisa, daraamaduna waa mid ka guunsan filinka. Masraxu waxa uu ahaa guri ay bulsho walba ku soo bandhigto ilbaxnimadeeda, oo tan iyo ilbaxnimooyinkii Giriiggu iyo filaasifadii horeba lagu soo bandhigayeen hal’abuurkooda iyo farshaxankooda. Curadnimadaas ayuu masraxu kaga horumarsan yahay sooyaal ahaan shineemada. Si gaar ah, masraxa Afrika, waxa uu ka soo dhex baxay iskudhoonka: dhahanaha (oral), muusigga iyo qoobkacayaarka. Afrikaanku  ummad ahaan waxay fan iyo suugaan ahaan lee yihiin tan iyo goorihii  noloshu dhahanaha (oraalka) ahayd, muusigguna waa mid guun ah oo inta ay ummaddu jirtay qalabyo muusig ayay lahaayeen iyo sida oo kale qoobkacayaar soo jireen ah. Isugaynta saddexdaas oo ay bulshadu isugu imaanaysay goobo, tumanaysay muusig, cayaaraysay qoobkacayaar misana lagu darayay suugaanta dhahanaha ayuu ku bar billowday masraxu. Bar billowgaasina waxaa saamayn wayn ku leh suugaanta dhahanaha, oo suugaantii dhahana ahayd ayaa lagu kaabay muusiggii guunka ahaa iyo qoobkacayaarkii Afrikaanku ku abuurnaa sidaasna waxaa ku curtay iskaashi faneed iyo isu soo baxyo bulsho.

Masraxiyaadkaas faneed ee lagu soo bandhigayay masraxa waxay ahaayeen kuwa laga dhadhansanayay oo soo bandhigayay rummaysnaanta diimeed ee  bulshada, u jeedooyinka siyaasadeed, dhaqamada bulsheed, middabbada asiiliga ah, fanka iyo muusigga iyo waliba sawirka dhaqandhaqaalaha bulshada. Gummaystihii inagummeedka ahaa ee soo cagadhigtay Afrika, waxa uu sooyaalka masraxa ku lee yahay kaalin qaabayn iyo saamayn wadata, taasoo habssami-u-soodka masraxa wajiyo badan u yeeshay, ugu danbaynna waxay abuurtay in si ka duwan siyaalihii hore wax loo sawiro, fanka loo soo gudbiyo, codkii xorriyaddana isbaddel ayaa ku yimid. Walow, masraxa iyo suugaanta Afrikaanku qayb ka qaateen kaalintii iskacaabinta inangummeedka iyo baraarugga bulshada, iyo sida oo kale in sooyaalkaas lagu uruuriyo suugaanta lafteeda oo kayd taariikheed noqoto.

Iyana, waxay shineemada Afrikaanku sooyaal ahaan soo shaacbaxday qarnigii 20-aad billowgiisii, gaar ahaan bulshada Masaarida ayay ka soo iftiintay. waxsoosaarradii filimeed ee ugu horreeyayna waxay ahaayeen kuwa si uun uga falcelinayay sancadaalaha hadalhayntiisa, iyo qaab dhismeedka sheekada bulsheed. Goorihii Afrikaanku inangummeedka xumafalkiisa ka dhiidhiyeen oo ay heleen codkooda xorriyadda, waxaa abuurmay isbaddel hor leh, waxaanna Afrikaanka ka soo dhex baxay agaasimayaal lama’illaawaan ah oo ay ka mid yihiin: Ousmane Sembène, Haile Gerima, and Med Hondo. Gaar ahaan, waxaa kaalin lamadhaafaan ah qaatay agaasime Ousmane Sembène, kaas oo dhaliyay hir cusub, waxkudarsi asiili ah iyo cod matala Afrikaanka. Waxa uuna ka biyo diiday in Yurub tahay xuddunta dhaqanka, indheergaradnimada iyo jirtaanka noloshiisa, waxa uuna cod dheer ku yiri:

“Yurub ma aha xudduntayda. Maxay tahay sababta aan gabbaldaye ugu ekaanayo oo aan cadceedda uga daba janjeersanayo? Aniga ayaa ah cadceedda qudheeda.” — Ousmane.

 Agaasimayaasha hirkaas cusub abuuray gumaystaha ka dib, waxay saamayn ku yeesheen qaabsocodkii hore ee shineemada, dibuhabaynna ku sameeyeen sidii gummaystuhu u qaabeeyay: sheekada iyo baraarugga ummadda, sida oo kale waxay qaabeeyeen oo soo bandhigeen caddaaladda xumida bulsheed.

Masraxa iyo Shineemada Afrika: Matalaadda Dhaqan, Muusigga iyo Qoobkacayaarka.

Masraxa iyo shineemada Afrika waxay door muhiim ah ka cayaareen muujinta dhaqanka iyo hiddaha qaddiimiga ah ee qaaradda. Waxay noqdeen qalab muhiim u ah soo bandhigidda noloshii hore, soojireenka iyo qiyamka bulshada Afrikaanka ah, iyagoo isku xiraya farshaxanka dhaqanka iyo horumarka casriga ah, taasina waxay muujinaysaa ka la dabqaadashadooda iyo sida oo kale kaladuwnaantooda soo muujinta iyo iftiiminta. Masraxu waxa uu soo bandhigayay dhaqankii jiri jiray, muusigga iyo ciyaaradhaqameedkii gaarka ahaa, halka shineemaduna isu taagtay iskudhafka soo muujinta dhaqanka asiiliga ah iyo ka casriyowga ah ee jiilasha qurbjoogta Afrikaanku lee yihiin.

Masraxa Afrika: soo muujintiisa dhaqan, muusig iyo qoobkacayaar.

Masraxa Afrika wuxuu isu xilsaaraa oo uu marar badan isku howlaa soo muujinta sheekooyinkii dhaqanka ee afka laga werin jiray. Waa madal ay bulshada Afrikaanka ah ku soo bandhigaan sheekooyinka nololeed, dhaqankooda asiiliga ah,  iyo falsafadahooda, kuwaas oo inta badan ka tarjumaya halganka, jacaylka, xanuunka, iyo farxadda bulshooyinka. Dhaqanka masraxa Afrika lagu soo bandhigo waxaa lagu cabbiraa dhaq-dhaqaaqyo dabiici ah oo soo bandhigaya astaamaha hiddaha iyo dhaqanka sida: Xidhashada dharka dhaqanka asiiliga ah: sida, dharka ka samaysan dhogorta iyo marooyinka dhaqanka ee aadka u midabbeysan (sida Kente ee Ghana iyo Shuka ee Maasai), ayaa ka soo muuqdo bandhigyo masraxeedyada. Tanina waxay muujinaysaa sida bulshada Afrikaanku masraxoodu ugu noqday muraayad ay iskadhex daawadaan, lebiskooda hiddaha ahna ku xidhtaan, midabbada indhaqabadka leh iyo kuulaha lagu xarragoodana ku qurxiyaan muuqooda. Masraxiyaadkaasina waxaa inta badan lagu soo bandhigaa oo sheekada masraxeed lagu wadaagaa afafka maxalliga ah ee hodanka ah, daraama masraxiyeedduna waxay noqotaa mid isugudhafan: muujin dhaqan, lebis asiili ah, midabbo indhaqabad leh iyo afaf maxalli ah sheeko lagu soo bandhigayo—si loo helo iskuxidhnaanta masraxa iyo bulshada. Muusigga iyo qoobkacayaarkuna, waxay kaalin muhiim ah ka qaataan masraxa, iyaga oo kiciya dhiigga nafta Afrikaanka, oo u ku qoofalan jidh qoobkacayaarka loo abuuray, taasina waxay durbaba abuurtaa xammaasad, kicisaana dhagaystayaasha, waxa uu bandhigguna yeeshaa xusuus gaar ah oo muusiggu wuxuu reebaa xusuus, illayn daraama walba waxay lee dahay nuuc muusig gooni ah oo loo tumo. 

Shineemada Afrika iyo matalaadda Dhaqan, Muusigga iyo Qoobkacayaarka;

Asal iyo Casriyeyn.

Shineemada Afrika, soo shaacbaxeedii waxaa dhaliyay, in ay si ka duwan ninka cad sida uu Afrika wax uga tabiyay ay u tabiyaan una soo bandhigaan waxkasta oo ay bulshada Afrikaanku lee yihiin si laga dhadhansan karo matalaad iyo dhabsheegnimo. Durbadiiba waxay filinsameeyayaashu ku dedaaleen in ay shaashadda ka soo muujiyaan dhaqanka lagu hirto, midabbada asiiliga ah iyo muusigga qoobkacayaarka lagu soohay ee bulshadu lee dahay, waliba iyaga oo ku dedaalay in ay ilaaliyaan asiilinimada, sida oo kalana shaashadda ka soo muujiyaan dhaqannada, farshaxanka iyo muusigga qoobkayacaarka cusub xambaarsan ee sebenka casriyowga ah ka soo dhex iftiimay bulshada afrika.

Muusigga iyo qoob-ka-cayaarku waa qayb lama huraan u ah shineemada Afrika. Dhaqamada Afrikaanka ah waxay had iyo jeer ku xidhan yihiin muusigga iyo qoobkacayaarka, kuwaas oo qayb wayn ka qaata shubaalka iyo socodka sheekada iyo xidhiidhka dareenka dadka. Golatusyada shineemeeda Afrika waxaa inta badan ka soo muuqda qalabyo muusig oo asal ah, oo sameeyaa codad lagu nafiso iyo hab lebis ma guuraan ah. Qoobkacayaarkana waxay u soo muujisaa (shineemadu) si heer sare ah, iyada oo adduunka tusta qaabkii hore iyo qalabyadii lama’dhaafaanka ahaa ee qaddiimiga ahaa—sida djembe (daasad dhaqameed) iyo kora (kaban dhaqameed). Labaduba waxay matalaan dhaqammo soojireen ah, waxaanna loo adeegsadaa masraxa iyo shineemada si loo xoojiyo sheekooyinka; Iyo qaababka casriga ah ee hal’abuurka jiilka cusub ah—sida muusigga iyo qoobkacayaarka gaarka ah ee Hip-hop-ka, iyo Afrobeat-ka, taasina waxay abuurtay xiiso hor leh iyo ilbaxnimo lagamadhergaan ah.

Qoob-ka-cayaarku wuxuu noqday astaanta filimada qaar, isagoo leh shaqo ah in uu muujiyo dareenka iyo macnaha qarsoon ee muuqaalada. Dhaqamada casriga ah, qoob-ka-cayaarkii dhaqanka ayaa isku dhafan farsamooyinka casriga ah ee laga soo qaatay qoob-ka-cayaarka caalamiga ah, sida hip-hop iyo afrobeat, taasoo ka dhigtay shineemada Afrika mid xiiso leh oo caalami ah.

Masraxa iyo Shineemada Afrika: iswaaga haybta iyo kalasarraynta Bulshada.

Filimaanta iyo riwaayadaha (shineemada iyo masraxa) badankood waxay soo bandhigaan dhaqamada kala duwan ee Afrikaanka, sida afafka, hab-nololeedka, diimaha, iyo caadooyinka. Waxay hoosta ka xarriiqaan in aqoonsiga Afrika uu ka kooban yahay qaybo badan oo isdhexgalaya, sida dhaqanka maxalliga ah, halgankii gumeysiga, iyo saameynta dunida casriga ah. Soo bandhiggidda kaladuwnaantaas waxaa ku dhafan oo ay sida oo kale soo bandhigaan iswaaga haybeed ee ku dhaca shakhsiyadda Afrikaanka, tabta ay suugaanta gaar ahaan noofaalku u soo bandhigto si la mid ah laakiin la daawan karo. Dhab, ahaanna iswaagaasna waxay uga warramaan si laga dhadhansan karo kaalinta uu gumaysigu ku yeeshay maskaxda shakhsiga Afrikaanka, taas oo ku abuurtay iswaayid haybeed. Dabcan, Afrikaanka dhexdiisa ayaa sida oo kale qofka ku riixa in uu iswaayo, iyada oo ay bulshadu qaybteed qayb kale oo bulshada ka mid ah u gaysato haybsooc, durid dhaqan, yasid iyo gumayn. Gumeysigii iyo dabasocodkii  reer galbeedka ayaa sababay in dad badan ay waayaan aqoonsigooda oo ku dhacaan dabinka iswaayidda. Masraxa iyo shineemada Afrika waxay xoojiyaan oo ay u halgamaan inay soo saaraan sheekooyin tabin kara oo dhabmatali kara erayada aammusan ee uu laabta ku haysto shakhsiga iswaysan ee madowga ahi iyaga oo ka sheekeeya nolosha dadka ku dhex jira lababoglaynta.

Masraxa iyo shineemada Afrika, waxay tabiyaan oo ay soo bandhigaan sheekooyin lamadhaafaan ah kuwaas oo ka warrama kalasarraynta bulshada qaaradda ku dhaqan, sida kalasarraynta dhaqaale, qabiil ama jinsi, iyo sida ay kalasarrayntaasi u saamayso nafsadda iyo maskaxda bulshada, ama u ka la soocdo oo ay qaarkoodna ku riixdo in la quudhsado, qaarkoodna la sarraysiiyo oo la sharfo, halka qaarna ay dhexda ku lummaan.

Filimaanta iyo masraxiyaadkuba waxay muujiyaan kaladuwanaanshaha dhaqan-dhaqaale ee bulshada, iyada oo qayb ka mid ah ay tahay dabaqadda hodanka ah ee magaalooyinka iyo maamulka hantiya, iyo kuwa saboolka ah ee ku nool miyiga. Sheekooyinkuna waxay inta badan diiradda saaraan cadaalad-darrooyinka ka dhasha hababka dhaqaale ee gumeysigu reebay, xumafalnimada kalasarranyta dhaqaale iyo quudhsiga bulshada Afrikaanka ah dhexdooda ka jira. Tusaale: Nollywood-ka ayaa aad uga sameeyaa aflaan caan baxa, oo soo muujiya sheekoyin tabiya iskudhaca qoysaska hodanka ah iyo kuwa saboolka, iyaga oo muujiya ku-taagsiga dabaqadda sare ay ku taagsato dabaqadda hoose.

Masraxa iyo shineemada Afrika: dhabmatalka Qofka Afrikaanka, iyo kacdoonnada bulsheed.

Docda kale, masraxa Afrika, si wayn buu ugu tilmaaman yahay kayd suugaaneed, dhaqan, qaabayn bulsho iyo qeexidda faneed ee bulshadu lahayd. Iyana shineemada Afrika waxay ka dhalatay rabitaanka ah in Afrikaanku isagu isku matelo shaashada weyn, una dhalatay in ay dhabmatasho nolosha looma’ooyaanka, dhabta biyakamadhibcaanka ah ee ay bulshadu la nooshahay iyo in ay dib u qeexid faneed ku samayso qofka, deegaanka, dhaqanka iyo bulshada—aynna sheekooyinka u tabiso qaab dhabsheeg ah oo ka duwan sida ummadaha kale u tabiyeen ama qaaradda iyo ummaddaba looga tabiyay. Xilligii gumeysiga, shineemooyinka badankoodu waxay Afrikaanka ku metelayeen si taban ama qalafsan oo waxay lahayd waji gumayste. Laakiin bilowgii qarnigii 20-aad, filin-sameeyayaasha Afrika waxay bilaabeen inay dib u qoraan sheekadooda, iyagoo diiradda saaraya quruxda dhaqanka iyo qiimaha bulshada. Tusaale ahaanna haddii lagu dhiso waxaa laga warrami karaa: Nollywood oo Nigeria ah iyo Ghollywood oo Ghana ah, waxay hormuud u noqdeen shineemada Afrika, iyagoo soo saaray filinno daboolaya mowduucyo kaladuwan, sida dhaqanka, diinta, siyaasadda, iyo jacaylka. Filin-sameeyayaasha kale sida: Ousmane Sembène, oo reer Senegal ah, iyo kuwa kaleba waxay u adeegsadeen shineemada si ay u muujiyaan halganka bulshada, gaar ahaan dhibaatooyinka ay keeneen gumeysiga iyo isbeddellada dhaqan-dhaqaale ee cusub.

Masraxa Afrika: Meel Kacdoon iyo Xorriyad Lagu Raadiyo

Masraxa Afrika wuxuu door wayn oo lama’illaawaan ah ka cayaaray halganka gummeysidiidnimada ee ay bulshada Afrika kaga dhiidhisay talisyadii gummayndoonka iyo taageeridda faneed ee xorriyad-doonka. Qarnigii 20-aad, masraxa Afrika wuxuu noqday barxad lagu soo bandhigo masraxiyaad iyo fan lagu diido siyaasadda inagummaydka iyo kacdoonnada dhaqandhaqaale. Masraxiyad qoraayaasha kaalinta wayn ka qaatay kacdoonkaas waxaa laga xusi karaa hal’abuuraha iyo qoraaga wayn Ngũgĩ wa Thiong’o ee Kenya, waxay u adeegsadeen masraxa inay ku soo bandhigaan masraxiyaad lagaga warramayo saameynta gumeysiga iyo sida loo xoreyn karo dhaqanka Afrikaanka. Iyana waxaa la tilmaami karaa sida Masraxu u ahaa meel lagu horumariyo wacyiga bulshada. Tusaale ahaan, masraxyadii ka jiray Nigeria intii ay socdeen halgannadii xorriyadda waxay muujiyeen sida dhaqanka maxalliga ah uu kaga  hortegi karo dhaqammada qasabka ah ee inangummeedku faafinayay. Intaas waxaa dheer, masraxa ayaa lagu dhaliilay hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ku xadgudbaya xuquuqda shacabka, isagoo abuurayay kacdoon bulsho oo ballaadhan.

Riwaayado la xusi karo;

  • The Trial of Dedan Kimathi” (1976) – Ngũgĩ wa Thiong’o iyo Micere Githae Mugo:

Riwaayaddan ayaa ka hadasha halgankii Dedan Kimathi ee Kenya, kaas oo hoggaaminayay dagaalkii ka dhanka ahaa gummeysiga Ingiriiska. Ngũgĩ iyo Mugo waxay riwaayaddan u adeegsadeen inay diiwaangeliyaan halgankii gobonnimadoonka Kenya.

  • Death and the King’s Horseman” (1975) – Wole Soyinka:

Riwaayaddan, oo uu qoray suugaan yahanka wagn Wole Soyinka, oo ku suntan qoraagii ugu horreeyay ee Afrika ee ku guuleysta Abaalmarinta Nobeelka suugaanta, waxay ka hadlaysaa iskudhaca dhaqanka maxalliga ah iyo saameynta gummeysiga ee Nigeria.

  • Sizwe Bansi is Dead” (1972) – Athol Fugard, John Kani, iyo Winston Ntshona:

Waa riwaayad lagu soo bandhigay dhibaatadii midab-takoorka South Africa. Waxaa xoogga lagu saarayaa codka iyo halganka dadka madowga ah ee la liiday iyo sida bulshada afrika dhexdeeda isu-liiddo.

Aflaan laga xusi karo Kacdoonka Afrika.

  • La Noire de…” (1966) – Ousmane Sembène:

Filinkan ayaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah kuwii ugu horreeyay ee ka socda Afrika shaashadaha dunidana ku yeeshay saamayn. Wuxuu ka hadlayaa dhibaatada shaqaalaha Afrikaanka ah ee gummeysiga u shaqaynayay ay la kulmaan iyo saameynta qurbaha. Sembène, oo ah “aabbaha shineemada Afrika,” wuxuu waxqabadkaan u agaasimay si uu u kiciyo wacyiga bulshada ee ku saabsan gumeysiga-cusub (neo-colonialism).

  • Touki Bouki” (1973) – Djibril Diop Mambéty:

Waa filin ka turjumaya riyooyinka dhallinyarada reer Senegal ee ku hammiyay inay Yurub u tahriibaan. Filinkan wuxuu iskudaray dhaqandhaqameedka iyo halgankii nolosha casriga ah.

  • Tsotsi” (2005) – Gavin Hood:

Waa filin South Africa laga sameeyay oo helay abaalmarinta caalamiga ah ee lagu qiimeeyo waxqabadyada sannadlaha ah ee dunida shineemada Oscar. Wuxuu tebinayaa oo iftiiminayaa saameynta saboolnimada iyo rabshadaha ka jira magaalada Johannesburg, isagoo sid aoo kale tilmaamaya dib-u-dhalashada qofka iyo bulshada.

  • Sambizanga” (1972) – Sarah Maldoror:

Waa filin lagu tiriyo aflaanta baarka sare ah, oo ku saabsan halganka xornimadoonka ee Angola. Sarah Maldoror, waxay ahayd haweeney u dhaqdhaqaaqi jirtay siyaasadda iyo fanka, waxaynna u adeegsatay filinkan hub ay ku dagaalanto, muraayad ay ku dhabmatasho iyo shaashad ay inagummeedka ku tustay dhiiga bulshada reer Angola, iyo inay marayaan marxaladda cunfiga iyo iskacaabbinta.

Si kooban, aan soo koobo guntidda e, waxaa biyakamadhibcaan ah in masraxa Afrika bulshada uu u ahaa ceelkii laga soo biyacabay, muujiyay dhaqanka, lagu soo bandhigay asiilinimada midabbada iyo waliba taswiirta bulsheed. Iyana sida oo kale waxa uu  adduunwaynuhu u gudbay shaashadda iyo soo muujinta sheekooyinka, taasina way la jaanqaadeen bulshada Afrika. Sidaas darteed iyada oo aan la lumin nuxurkii, dhadhankii iyo habtabintii masraxu wax u soo bandhigayay ayay haddana agaasimayaasha shineemadu la golayimaadeen hal’abuur si dhab ah u matala bulshada qaaradda. Casriyowga iyo jiilasha dhaqannadooda, hirdanka ilbaxnimada: gudajoogta iyo qurbajoogta, iyo isbaddellada ay bulshadu ku tallaabsatay ayay shineemadu isu taagtay soo muujinteeda. Masraxa iyo shineemadu waxay siyaalo kaladuwan u soo bandhigaan nuxurradooda, haddana waxay isku si uga warramaan nuxurrada: dhaqannada, caadooyinka iyo quraafaadka, midabbada asalka ah, muusigga iyo qoobkacayaarka, siyaasadda iyo kacdoonnada iyo nuxurro kale oo lamadhaafaan ah, sida oo kale marar badan dhabmatala bulshada. Labada dhinacba, masraxa iyo shineemadu waxay lee yihiin suugaan yahanno, agaasimayaal, qoraayaal iyo dhagaystayaal u dhuundaloola dhacdooyinka masraxiga ah iyo shubaalka sheekooyinka shineemada. Si wayn waa looga samayn karaa qoraallo aad u dhumuc wayn, isdultaag gaar ah oo nuxur walba lagaga warramo, intaan se waxaan ku koobayaa dulmarka nuxur iyo dhabmatelka masraxa iyo shineemada Afrika.

Dhammaad.

(Qoraalkan wuxuu horay ugu soo baxay Tirsigii 4aad|caddadka-1aad, 2025)

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *